Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Boliska Sirta Kanada Oo Raadinaya Nin Somaali Ah Oo Haweenka Somaali Ku Noqday Shabeel Naagood Dhaca

Wednesday - July 13, 2011

Canada-Ottawa: Boliska sirta kanada ee u carbisan hawlaha baaritaanka ayaa maalmahaan ku hawlan Nin Somaali ah oo la sheegay inu dumarka Somaali u ku noqday shabeel-naagood-yadi la yiqiinay mid ka daran oo hablihi ka furtay wax alaale wax kasta oo gunta ugu jiray, ninkaasoo sida la xaqiijiyey af ku seefle ah, ayaa balwadiisu tahay inu si gaara u ilaalsado amase sanka la raac-raaco dumarka  saxuuntoodu maalmahaas qoyantahay, oo ayba dhici-karto inu ka war helo markaa lacgta Hagbada ay soo qaataan, waxaana xantu tilmaameysa in dumar gaara ay balwadaas khiyaamada kala shaqeyaan, oo wixi u helo ay bercent ku leeyihiin, waxaa la sheegaa inu inta badan eegto dumarka dabeecad saami iyo akhlaaq wanaag eebe ugu maneystay carmalkana ah ee la sheego iney tashiishaan masaarifta qoyska oo barbar socota iney lacgahooda Hagbada amase shaloongo ku galaan.

Ninkaan da'diisa qiyaas ahaan 40 jir ah, oo sida la sheegoo xariif ku ah is-tabceynta arimaha sida bilista haween beenta loogu khatalo iyo sida jilibka xod-xodada loogu aaso, oo isagu dumarka marka hore sheekada uga dhex bidhaamiya inu geedka-guriga u soo fariistay guur-doon,isagoo dhaar ku xagaf siiya inu yahay xabiib jecel, heeso iyo gabayo murti oo u soo xafiday ku asqeysiiya, hasa ahaate waxa u rabo iyo danaha u leeuahay ay yihiin ujeedo ka xeel dheer iyo kaaf iyo kala dheeri, waxaa la sheegay haweenkaas waxay Baashi iyo Raani isa saaraan-ba ugu dambeyn guurkaas mabda'ahaan ninkaas shabeelka ah wey ka yeelaan, dabadeed halku beegsanayey marku gaaro oo ah inu helo Oky-da arooska, ayuu wixi  lacag ay haysteen uga qaada soo iibinta qalabkii arooska si aqal-galku u noqdo mid qurux badan lagu sheekeysto oo farax leh, isagoo markaa soo tusa lacg kale oo u ka soo qaaday haweyney kale oo beentiisa ku soo gawracay, dabadeedna aan dib dambe aragiisa loo arkin oo la waaya jaan iyo cirib meel u dhigay .. Ninkaas sida la sheegay waxaa shaqada balwadaas ka soo gali dakhli aad u badan, taaso dhaqaalo ahaan u saamaxday inu todobaakiiba qaaradaha isaga goosho, baaburta cusubna isku bad-badalo.

Balwooy adigaa leh iyo hadba hadalka baabkii furma .. si kastaba wax ha u jireene, dumar badan oo falkaas lagula kacay ayaa wixi qabsaday iska qarsaday oo hoos u booy ku dhacday, oo ay yiraahdeen balaayada insi iyo jini waxuu ahaa garanmeyno, habaar ha ku dhace, rabi sharkiisa ha naga duwo, hasa ahaate mid ka mida hablihi la dhacay oo illa 20 kun lagala baxsaday oo sida la yiri mudo dheer ayey ku jirtay Hagbad ayaa marada isku giijisay boliskana la xariirtay oo gal dacwadeed ku furtay shabelkaas dilaaga ah, iyado dacwadeeda gacal dumar la kaashatay oo sideeda dhacan, waxaase la yiri magaca u hablahaas u sheegtay iyo magaciisa runta isma laha, isla markaana talefoon aan magaciisa ku qorneyn ayuu isku bad-badala.

Boliska dharka cad oo wata sawir gacmeed oo ninkaas suuradiisa ku qiyaasan ayaa iminka ku gaaf wareega meelaha somaalida far-fariisato amase u badantahay, laakiinse sida muuqata shabeelkaas lama filaayo in si sahal bolisku ku heli-karaan oo waxaa dhicikarto inuba dalkaba dibada uga dhoofay amase gobolka Ontario meel uga qarsoon-yahay siiba magaalada Toronto ama US- Minnesota , waxaana la carbaabaya in dumarkii la khatalay lafahaantooda ay baadi-goobka dhinac kaga jiraan iyagoo shaki ka qaba in iyaga laftooda marka dambe la yiraahdo lacgta xagee ka keenteen.