Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Cabitaan Kaadida Lo'da Laga Samaynayo

Thursday - July 14, 2011

Jariiradaha The Times iyo Daily Telegraph ee Ingiriiska ka soo baxa ayaa sheegay in shirkad Hindiya ku taala ay soo saarayso sharaab cusub oo kaadida lo’da laga sameynaayo. The Times ayaa sheegtay in shirkadani oo ay leeyihiin urur kulmiya dadka ku abtirsada diinta Hinduuska in sharaabkani gaadhay heerkii ugu danbeeyey ee lagu soo saaraayey.

Afhayeen u hadlay shirkadan sameynaysa sharaabkan ayaa yidhi “Ha ka werwerina sharaabkani ma laha urtii ay kaadida lo’du lahayd, balse waa sharaab macaan oo caafimaad ku gelinaaya mana laha sun.”

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in sharaabkani soo maray laabab shaybadho waxaanu soo bixi doonaa dhamaadka sanadkan.

Sanadkii 2001-kii ayey ahayd markii ay bilaabeen xayaysiinta kaadida lo’da, iyaga oo sheegi jirey in kaadida lo’du ay daawo ka tahay xanuunada ku dhaca beerka xattaa u daawo ka yahay xanuunka kansarka.

Sharaabkan ayaa sida ay sheegtay Jariirada Daily Telegraph dhiirigelin doona in u xaami noqdo kaadida lo’du iyada oo loola jeedo inay daawo tahay, dhanka kalena iyada oo digada lo’da loo isticmaalo shidaal.