Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

War Si Hoose Looga Sharqamiyey In Amiir Suldaan Bin C/Casis Ku Geeryoodi Isbitaal Ku Yaal Cariga USA

Thursday - July 14, 2011

War rasmi ahayn hubsiinana u baahan oo ka soo yeeray kooxo iyagu cadeystay ku kacsanaanta boqor-tooyada Sacuudiga ayaa qalabka ay wax ku qoraan diirada ku saaray in ku xigeenkii kowaad ee boqorka Sacuudiga Amiir Suldaan Bin Cabdicasiis xanuunki kansarka ee lagala tacaalayey kadib marku gaaray xaga maskaxda u geeriyooday, laakiinse sida la xigtay boqortooyadu waa diiday in warkaas la shaaciyo illa familka reer al-Sacuud ay isla meel dhigaan ninka loo magacaabayo xilka ku xigeenka boqrka oo xita haddi bqorka laftiisa beri dhinto ku haboon dhaxalka xilka boqortnimada.

Sida la ogyahay boqorka Sacuudiga boqor Cabdalla waxuu dhawaan horay u si magacaabay ku xigeenka labaad ee baqorka oo u ku magacaabay amiir Naaif, amiir-kaaso aan ka soo jeedin bahda Sodeera, isagoo waa boqorke ujeedadiisu ahayd in haddu dhinto Amiir Suldaan u jagadaas ku soo boodo ku xigeenka labaad amiir Naaif ee bah gooniga ah, halka jagadaas u xaqa u lahaa Amiir Salmaan oo la bah ah amiir Suldaan, ahna da'ahaan ninka ku xiga Boqor Cabdalla .. waxaana warku intaa ku daraya in boqorka Cabdicasiis u sidaa u sameeyey isagoo doonaya inu bahda ilma Sudeera awoodooda mustaqbal xeel ku riixo oo ay noqdaan xuub-caaro oo kale 

Laakiin waxaa la sheegay in bahda reer Sudeera oo ka mid yahay amiir Suldaan oo xanuun la il daran ay ka boodeen xilka loo magacaabay Amiir Naaif oo yiraahdeen sheekada boqor Cabdalla dood baan ka celineynaa mana soconeyso, taaso keentay in boqor Cabdalla u isugu yeero dhamaan walaalaha ilma Cabdicasiis ee ay is-qoonsadeen, isagoo doonaya waa boqorke inu ku qanciyo walaalihiis magacaabida amiir Naaif, laakiin lama sheegin sida wada-hadlkaas ku dhamaaday, waloow xan lagu helay in ciil-cun iyo jiririqsi labada dhinac weli ka jiro.

Sidi horay loo soo tabiyaba Amiir Suldaan waxaa ku fiday cudurkii Kansarka oo gaaray maskaxdiisa, hadaba dhimasho iyo dhimasho la'aanba familkii ayaa isku buuqsan oo isla garan la' amiirka ku haboon inu qabto xilki Amiir Suldaan marku dhinto .. waayo amiirka hadda noqda ku xigeenka boqorka isaga lahaan-doona dhaxalka boqorka oo miisaanka loolanka familka dhinac u raajicn-doona

Waxaa iyagana dhinac ka buuqaya oo cidiyaha ku dagaalamaya jiilki labaad ee familka ilma Cabdicasiis oo iyagu u hanqaltaagaya in la joogo doorkoodi madaxtinimada, waxayna ku andacoodaan in odyaasha reer boqor u waqtigoodi dhamaaday oo ay nasiib leeyihiin haddi kaadida ayba ceshan-karaan, hasa ahaate xagooda mushkilada jirta ayaa ah ineysan jirin xeer wiilashaas  lagu kala saaro oo loogu qaybiyo xukunka sida aabayaashood oo da'da xeer looga dhigay, inta badana jiilka labaad ee familka waa wax is ku wada da' ah oo xaga ilbaxnimada iyo aqoonta kaga dheereya aabayaashood.

Arintu si kastaba ha ahaate, koleyba warka jira waxuu xaqiijinaya in reer boqor dhexdooda kaga dhex tafantahay Ninka qabanaya jagadaas ku xigeenka oo arintu joogto Qir iyo Qir, waxaana bilaabmatay in koox-kasta dhinacooda u xayd-xeydtaan sidi tooda u mari-lahayd, lagana yaabo ragaas is haya oo seefta soofeysanaya iney baaruud isku huriyaan oo dabadeed talo faro ka baxdo.