Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Sakiin Oo Laga Diiday Rag U Doonaayey In Lagu Daro Golaha Wasiirada

Saturday - July 16, 2011

Muqdisho- Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya, ayaa la sheegay in laga diiday in rag uu doonayey in loogu daro golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Sheekh Shariif, kadib markii lagu wargeliyey in xubnaha uu wato ay ku jiraan qaar ku caan-baxay boobka hantida iyo iibsiga khayraadka dalka.

Inkasto war cad usan ka soo bixin madaxtooyada Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo arrintaas xaqiijinaya, haseyeeshee wararka magaalada mogdisho ku dhex baahsan ila maanta iyo shalay ayaa carbaabaya in liiska golaha wasiirrada oo la doonayey in lagu dhawaaqo saacadihii la soo dhaafay, ayaa dib hadana  loo dhigay kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanku ka dhex waayey rag uu watay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Axmed, oo sheegay in aannu aqbalayn liiska golaha wasiirrada haddii aanay ku jirin ragga uu wato, iyadoo arrintaasina sababtay inay isku buuqaan Guddoomiyaha iyo ra’iisal-wasaaraha dhawaan la magacaabay oo sida la sheegay isaga laftiisa ka carooday faragelinta lagu hayo dhismaha xukuumaddiisa cusub.

Hoggaanka sare ee dawladaan ee aan la hayn wax shacbiyad ah ayaa xilligan u muuqata inay laba garab u kala qaybsan yihiin, kuwaas oo mid walba dantiisa gaarka ah wato, iyada oo la sheegay in Sheekh Shariif doonayo in golaha wasiirrada cusub loogu daro rag wadaado ah oo ay soo wadashaqayn jireen waqtigii uu madaxda ka ahaa Maxaakiimtii Islaamiga ahayd, halka Guddoomiyaha Barlamaankuna dhinciisa ka wato xubno ka tirsanaa baarlamaankii hore oo wadashaqayn fiican ka dhexayso dawladda Itoobiya.

Si kastba ha ahaatee, xalka magacaabidda golaha cusub ee wasiirrada ayaan wali hawsheedu dhammaan oo santuukh ciriiri ah gashay, waxana jira khilaafyo si kordhaya oo weli u dhexeeya madaxda dawladda ugu sarreeya oo isku maandhaafsan qaabka loo soo xulayo xubnaha wasiirrada iyo ragga lagu darayo oo mid waliba gaarkiisa koox u wato.