Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Raiisal Wasaare Cabdiweli Gaas Oo Qarka U Saaran Inu Iscasilo

Sunday - July 17, 2011

Mogadisho: Waxaa la sheegaya in Raiisal wasaaraha Cabdiweli Gaas ay soo wajhday Jahwareer,waxaana ay tabinayaan rag ku dhow dhow Madaxtooyada in Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu qarka u saaran yahay in uu iska casilo Xilka Raiisul Wsaaranimo ka dib markii uu cadaadis  uu kaga yimi Madaxweynaha Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sakiin Xasan oo iyagu doonaya in Xubnio ku darsadaan Goloaha Wasiirada halka Raaiisul Wasaaraha uu doonayo in loo gacan banaaneeyo Magacaabista Golaha Wasiirada waana midaa in dhowr jeer dib loo dhigo magacaabista Golaha Wasiirada

Sida la sheegay maantadaan ayey ahayd in raiisal wasaaraha uu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada  ee dawlada uu markale dibu dhac ku yimi iyado la isla fahmi-waayey liiska cida loo magacaabayo golaha wasiirada taaso keentay in dhowr jeer u ka carooday Magacyo uu u soo gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan ka mid ahayn Beesha uu ka so jeedo Gudoomiyaha wuxuuna Raiisul Wasaaraha uu u sheegey Gudoomiyaha Baarlamaanka in uusan xaq u lahayn in uu soo magacaabo Xubno aan beeshiisa ka mid ahayn, waxayna Xubno ku dhow dhow Raiisul Wasaaraha ay sheegeen in Mar Raiisul Wasaaraha ay ka gaartey in uu dhiibo istaqaaladiisa Xilka Raiisul Wasaaranimo isagoo laga soo xigtey Madaxda Sare ee Dowlada ay yihiin rag aan lala shaqeyn Karin oo dantooda eeganaya

Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya waxay sheegayaan in mar la isku soo dhawaadey hase yeeshee hadana la kala boodey ka dib markii la isku qabsadey cidda loo magacaabayo Wasaaradaha ugu tunka weyn gaar ahaa Wasaarada Maaliyada oo la sheegey in uu ku dhagey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo,isagu keensadey Xubin ka mid ah Taageerayaashiisa hase yaashee warar aan helney ayaa sheegaya in Wasirkii Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane uu isaga tagey Xilkii Wasiirnimo, hadey dhabowdo ka tagistiisa waxay dhabar jab ku noqoneysaa Raiisul Wasaaraha oo isagu ku adkeystey in Xuseen Cabdi Xalane uu sii joogo Wasaarada Maaliyadda oo lagu tiriyo ragii ugu muhimsanaa ee soo mara Wsaaradaas oo la sheegey in uu si aad ah ula dagaalamey Musuqmaasuqii ka jirey Dowladda Federaalka

Sidoo kale  Wasaaradaha la isku haysto waxaa ka mid Wasaarada Gaashaandhiga  waxaana Raiisul Wasaaraha uu doonaya in uu sii joogo Wasiirka haatan ku magacaaban ee Cabdi Xakiim Macalin Faqi oo la sheegey in wax badan uu ka qabtey Wasaaradaas hase yeeshe Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegey in uu soo gudbiyey Shakhsiga uu la doonayo Wasaaradaas , Sidoo kale Wasaarada arrimaha Gudha ayaa iyana is qabsi uu ka jiraa waxaana la sheegey in Beesha Habargidir ay isku haysato balse Waxaa lagu waramay in wasaaradaas lala doonayo wiil uu dhalay Gudoomiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud oo la dhashey Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Cabdishakuur oo dhawaan qarax lagu diley

Isku soo duuboo haddii uusan Raiisul Wasaaraha  24-ka saac ee soo socota  magacaabin Golahiisa Wasiirada ay xaaladu Cirka isku shareeri-doonto waxayna raga siyaasada ka faalooda ay sheegeyaan in haddii uu Raiisul Wasaaraha uu ka dhabeeyo Iscasilaadiisa waxay dhabar jab ku noqoneysaa labada Shariif oo caalamka u arki-doona kuwa hortaagan in siyaasada Soomaaliya ay sal dhigato