Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynaha Dalka Guinea Alpha Conde In La Dilo Ku Sigtay

Thursday - July 21, 2011

Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ayaa sheegay in xarunta u ka degan yahay caasimada Conakry lagu soo qaaday weerar islamarkaasna ay ciidamadda ilaaladiisa ay aad u difaaceen

Koonde ayaa amaanay waxa uu ugu magac daray iskacaabinta geesinimo ee ilaalada madaxtooyada, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadaas ay la dagaalameen kuwii weerarka soo qaaday muddo laba saac ah kahor inta aan meesha aysan imana ciidamo xoojin ah kuwaasi oo gacanta ku dhigay amaanka madaxtooyada.

Madaxweyne koonde oo saacado kadib ka soo muuqday TVga qaranka ayaanan wax dhaawac ah ka muuqan, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniintiisa in ay is dejiyaan ayna u baneeyaan ciidanka iyo laamaha amaanka in ay howshooda qabsadaan.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen isku day dil islamarkaana la qabtay qof looga shakiyey in uu kamid ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale hogaamiyaha mucaaradka ninka lagu magacaabo Seylo Daaliin Dayaaluu ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday xarunta uu degan yahay madaxweyne Koonde, wuxuuna carabaabay in uu filayo in aysan saameyn ku yeelan midnimada umadda xilli ay jirto dabacsanaan xiriirka bulshadeed.

Sidoo kale dowladda faransiiska ayaa si aad ah u cambaareysay weerarka , waxayna ugu baaqday ciidanka dalka Guinea in ay u adeegaan dimuqaraadiyada.

Xukuumadda faransiiska ayaa ku tilmaamtay in dhacdadaas aysan ahayn isku day inqilaab balse uu yahay digniin laga yaabo in ay xiriir la leedahay dib u dhigidda doorashooyinka barlaamaaniga ee soo socda