Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wararkii Ugu Dambeeyey Qaraxi Iyo Dhimashadi Ka Dhacday Oslo Oo Caga-cageyneysa 90 Iyo Wax La Jira

Saturday - July 23, 2011

Oslo: Sida uu xaqiijiyay booliiska dalka Norway waxaa ku dhimatay 91 qof laba weerar oo is xig xigay oo ka kala dhacay gudaha magaalada Oslo , halka loo yaqaano xeyndaabka dowlada iyo weliba jaziirad dhanka koonfur kaga taalo Oslo.

Weerarka koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday bambaanooyin ayaa lala beegsaday dhisme ka kooban 17 dabaq oo hoy u ah xafiiska raisal wasaaraha dalka Norway iyo weliba laba wasaaradood oo muhiim ah kuwaasoo kala ah wasaarada shidaalka iyo tan maaliyada dalka Norway.

Weerarkaas ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhimatay ilaa iyo laba qof ayada oo ay kudhaawacmeen dad kale oo fara badan waxyeelo badana ay soo gaartay dhismihii la bar tilmaansaday islamarkaasna bur burka daaqado Quraarado ka sameysnaa ay meelkastaba waran.

Weerarka labaad ayaa lagu qaaday jaziirad yar oo lagu magacaabo Utoya kuna taalo dhanka koonfureed ee magaalada Oslo halkaasoo ay ka socoto xaflad xagaayeed ay dhiganayeen dhalinyaro taasoo uusoo qaban qaabiyay xisbiga talada dalka Norway haya ee Shaqaalaha

Booliska dalka Norway ayaa xiray nin Norwiijiyaan ah laguna tilmaamay inuu yahay ninka looga shakisanyahay weerarkii ka dhacay jaziirada oo loo adeegsaday qori laguna xasuuqay dadka faraha badan. Ninka oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik. Ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay qolyaha garabka midig ee uu fikirkooda fogaaday ee dalka Norway.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahaan ka dhacay dalka Norway kaasoo ay ku dhinteen dad intaan la' eg tiradooda ayada oo uu raisal-wasaaraha dalka Norway Jens Stoltenberg sheegay inaysan cabsi gelin doonin weeraradii shalay isla markaasna aan afka lagaga qaban karin bambaano iyo qoryo lagusoo weeraro.