Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Belguim: Haweenka Xirta Xijaabka Niqaabka Waa Todobaad Xariga Iyo Ganaax

Saturday - July 23, 2011

Belguim: Dalka Belguim ayaa noqonaya wadankii labaad ee soo raca dalka faransiiska ee ka mamnuuca haweenka Islaamka ee xirta Burqa iyo Niqaab in ay raacan gaadiidka dadweynaha iyo iyo iney la soo dhex galaan goobaha dawaymaha.

Baarlamanka dalka Belguim ayaa mar hore isku khilaafay in ay mamnuucaan Burqada iyi Niqabka
inkasta oo ay isku raaceen todobaadkan hadana waa in aan la waafajin xeerka dastuuriga ah ee
u yaala nabadgelyada ,sababtoo ah waxa ay dhaawacaysaa xoriyada iyo xuquuqda diimaha
u yaala ,laakiin waa in la ganaaxo haweynada Islaamka ah ee xirata Niqab iyo burqa oo
ay mutaysato todobaad jeel ah iyo lacag ganaaxa.

Waxa ay leeyihiin lama diidana xijaabka laakiin waa in haweenka Islaamku wajigoodu uu
muuqdo oo haddi ay wada dadantahay waa lagu soo dhex dhuuman karaa waa sida ay hadalka
u dhigeen