Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War Deg Deg Ah: Alle Ha U Naxariiste Waxaa La Soo Sheegay Geeridi Saciid Axmed Garaani

Saturday - July 23, 2011

Inaalilaahi Wa Inaa ilayhi raajicuun Alle Ha u naxariistee waxa goordhawayd na soo gaaray geeri ku timi Saciid Amed Garaani oo laba bilood ku dhawaad xanuun xaga beerka lagula tacaalaayey  Cusbitaal ku yaala Magaalada kalgary ee gobolka Alberta-Kanada, waxuuna geeriyoodi Jimcihii 1-dii habeenimo ee biishan 22 July

Ing. Saciid Axmed Garaani waxuu ka mid ahaa aqoonyahanadi dalkaan kanada soo galay sanadaadkii 70-80 oo degnaasho iyo shaqo wanaagsan ku haystay magalada kalgarey isagoo caan ku ahaa cilmiga aqoonta baarista batroolka .. Saciid Axmed Garaani waxuu Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan sida hay'adihi baarista mcadanta iyo batroolka ee Somaaliya, markii ugu dambeysana waxuu madax ka ahaa wakaaladi horumarinta biyaha ee xurnteedu ahayd magaalada mugdisho

Alle Ha u Naxariistee Marxuum Saciid Axmed Garaani, hadaan nahay bahda shabakadaan Galdogob Times waxaan tacsi u direynaa qoyski iyo eheladi u ka tirsanaa oo dunida dacaladeeda ku kala baahsan, waxaana Alle uga baryeynaa inu naxariistiisa janada ka waraabsho. Amiin Amiin Amiin AmiinÂ…