Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

19 Qof Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintay Meel U Dhaxeysa Lawyacade Iyo Djibuti

Sunday - July 24, 2011

Lawyacado: Ugu yaraan ilaa 19 ruux ayaa la sheegay in ay haraad iyo gaajo ugu dhinteen degmada Lawyacado oo ku taala xadka dhinaca Somaliland iyo Jamhuuriyada Djibouti, ka dib markii ay ka tallaabeen dadkaas xadka una gudbeen dhanka  Djibouti, halkaas oo ay ugu dhinteen macaluul soo food saartay markii ay waayeen biyo cabaan iyo cunta ay quutaan oo ay sii dheerayd cimilada xilliga xagaaga ee deegaankaas oo aad u kulul.

Dadkani oo u badnaa dumar iyo carruur ka mid ahaa 24 qof oo ahaa muhaajiriin u dhalatay Qawmiyada Oromada ee dalka ETHIOPIA,  kuwaasoo doonayay in ay dalka Djibouti ku galaan si sharci daro ah, ayaa maydadka ay heleen ciidamada ilaalada xuudaha ee dalkaas oo wakhtigaas kormeer samaynayay, waxa kale oo ay nolol ku heleen ilaa shan oo ay xaaladooda aad u liidato oo  markii dambe loola cararay cisbitaalo ku yaala Djibouti.

Maydadka muhaajiriinta la helay ayaa ay aaseen ciidamada Djibouti,taaso oo u xaqiijiyey wariye madax banaan oo fadhigiisu yahay Magaalada Saylac Ayaanle Cabdilaahi, waxaana aaska iska kaashaday ciidamada iyo dadka deegaankaas.

Maaha markii ugu horeysay dad tahriibayaal Itoobiyaan ahi ay haraad iyo gaajo halkaas ugu dhintaan, iyada oo bishii June ee sannadkan ay 13 qof ku geeriyoodeen halkaas ka dib markii  ay u  dhanqalmeen macaluul ba’an oo haleeshay.