Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ninkii Falalka Argagixiso Ka Geystay Norway Oo Somaalida Wax Ka Sheegay

Sunday - July 24, 2011

Waxaa la sheegay in Gurigi u deganaa Breivik laga helay qoraalo ku qoran afka Norweji-yaanka oo ku xusan xasuus qor uu uga qayb galay dood ay isugu yimaadaan koox cunsuriyiin ah oo uu ka tirsanaa isagoo yiri Somaalida haysata baasaboorada Norweji-yaanka waxay isugu yimaadaan mafrashaka la yiraahdo Gronland oo maalintiyo dhan waxay ku cunayaan Qaadka cagaaran, isla markaana lacgta loo siiyo cayrnimada kala bar oo bar waxay u diraan xagaa iyo xarakada Al-Shabaabka ee ku xiran al-qaacidada

Qoraalka Breivik waxaa ka muuqata aragti gaaban iyo caro uu u qabo Somalida degan Oslo, gaar ahaan kuwa isugu yimaada Grønland, hasa ahaate Caradii iyo neceybkii uu u qaaday Somaalida dalkaas ku nool ayuu kula dhacay meelo kale oo aduun ku kharibay

Sidoo kale Ninkaan ayaa Cunsur-nimadiisa waxay gaarsiisay inuu isku qaldo Arimaha Qaadka iyo kuwa Diinta oo meel aan wada gali-karin oo sida la ogyahay ninka qaadka cuna isagaaba tiisa la circiraya oo maba haleelo taageero diimeed.