Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika Oo Soo Dhaweyey Wadahadalka Nabada Sool,Cayn Iyo Sanaag

Monday - July 25, 2011

Hargeysa-Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mr. Henry Bellingham iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho hal maalin qaadatay shalay ku yimi Somalilnd, ayaa ku dhawaaqay ballanqaad malaayiin dollar ah oo dawladdiisu ku caawin doonto maamulka Somaliland sannadaha soo socda.

Wasiir Henry waxa uu ka hadlay xiriirka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska oo uu tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah, isagoo si gaar ah uga sheekeeyey qiimaha ay lahaayeen wufuudii labada dawladdood is dhaafsanayeen sannadkii ugu dambeeyey iyo weliba markabkii dagaal ee dalkiisa ee 7-dii bishan July ku soo xirtay Marsadda Berbera, kuwaas oo ka turjumaya horusocodka iskaashiga Somaliland iyo Britain.


Waxuu yiri, Maanta Geeska Afrika kama hadli karo anigoo aan soo qaadin dhibaatada ba’an ee abaarta saamaynaysa gobolkan oo ay ku jirto Somaliland, laakiin si gaar ah Koonfurta Soomaaliya waxa ka jira abaar ba’an halkaasi oo rag, haween iyo carruurba ay gaajo ugu dhimanayaan waxaanay taasi cadaynaysaa sida xaaladdu khatar u noqotay. Waa masiibo muhiimad caalami ah leh qaranigan 21-aad macaluul badan ayaa mar kale ka dhacday gobolkan.

Britian door Hoggaamineed ayay ka qaadaynaysaa gurmadka lagu badbaadinayo nolasha dad ka badan laba malyan oo qof oo ay ku jiraan 500 oo kun oo Soomaaliya jooga, arrintaasi ay Britain bilowday waa inay dawladaha kale ku daydaan sidii loo caawin lahaa dadkaasi aadka u baahan.

Wasiirka Afrika Ingiriiska u qaabilsan Afrika waxa uu ku tilmaamay Somaliland inay tusaale u tahay qaaradda, waxaannu yiri, Bishii June sannadkii hore Somaliland waxay hirgelisay doorasho xor ah, samaynta arrintaasi Somaliland waxay tusaale u noqonaysaa qaaradda (Afrika) oo caan ku ah in la diido ka tegista xafiiska, laakiin Somaliland waxay tustay in wareejinta awoodda, dimuqraadiyad dhab ah iyo dawlad xasilooni ay dhammaantood suurtogal yihiin. Waxaan soo dhawaynayaa dadaaladda dawladdiinu ku kasbanayso beelaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay ku dhiirigelinayso inay qaataan wadahadal iyo nabad, laakiin mar wax laga weydiiyey goni isutaaga Somaaliland waxuu ka yiri waa arin u taala Somaali dhexdeeda oo dawlada ingiriis kuma dhacdo iney hawlahaas si gaara ugu talaabsato.