Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ninkii Oslo Dadka Ku Xasuuqay Oo Sheegay In Ayaan Xirsi Cali Mudan Tahay Nopel Peace Prize

Tuesday - July 26, 2011

Oslo: Ninkii ka dambeeyey mashaqadii ka dhacday dalkaas Norway oo ay ku dhinteen 80 qofood oo ay ka mid ahaayeen Soomaali, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qofood ayaa waxaa la sheegay inuu haweeneyda Soomaalida ah ee ka baxday diinta islaamka ee lagu magacaabo Ayaan Xirsi Cali uu sheegay inay mudan tahay in haweeneydaas la siiyo ama la gudoon siiyo abaal marinta nabada ee Nopel Peace Prize.

Anders Behring Breivik oo ah ninkii ka dambeeyey qaraxii iyo toogashadii ka dambeysay ee ka dhacay dalkaas Norwey ayaa waxaa la sheegay inuu si wanaagsan ugu soo diyaar garoobay arintaas, Isagoo Qoray bayaan ka kooban ilaa iyo 1500 beej uu ku sheegay ujeedooyinkiisa inta badan ku dhiiri galinaayey wadamada reer Yurub inay hurdada ka kacaan oo ay iska qaadaan waxa uu ku sheegay  ku habsasho ay wadamadaas ku dul habsadeen ajanabi gaar ahaana kuwa ka soo jeedo wadamada muslimka.

Ninkaan ayaa bayaankaas waxa uu ku soo qaatay magaca haweeneyda Soomaalida ah ee gaaloowday ee Ayaan Xirsi Cali  kuna  sheegay inay tahay qof mudan in la gudoon siiyo abaal marinta nabada ee Nopel Peace Prize, abaal marintaas oo ah inta badan mid la gudoonsiiyo dadka wax wanaagsan u qabta umada, laakiin arintaan ayaa u muuqato in ninkaan uu haweeneydaas ku abaal marinaayo fikradaheeda khaldan iyo aflagaadada ay mar walba u geysato haweeneydaas dadka muslimiintata ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaan sida uu sheegay uusan wax jixinjix ah ama ka xumaansha ah ka muujin falkaas ayaa sheegay inuu ahaa falkaas mid xun laakiin ay qasab ahayd inuu sameeyo, asagoona sheegay inuu damacsanaa inuu sameeyo isbadel.

Aabaha dhalay ninkaas oo la sheegay inuu ku nool yahay dalkaas Faransiiska ayaa sheegay inuu arintaas ka maqlay warbaahinta islamarkaana si aad iyo aad uu uga naxay arintaas asagoona sheegay inuu san wax xiriir ah la lahayn wiilkiisa oo ayna ugu war dambeysay sanadkii 1995.