Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Boqorka Sacuudiga Oo Bixiyey Aduun Dhan 60 Milyan Oo U Ku Gargaarayo Somaalida Abaaruhu Saameyeen

Tuesday - July 26, 2011

Dowladda dalka Sacudi Arbia ayaa markii ugu horeysay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan Adduun dhan ilaa 60 milyan oo doolar.
Dowladda Sacuudigu waxaa ay sheegtay in lacagtan ay ku wareejin doonaan hay’addaha WFP iyo waliba WHO kuwaasoo ku iibin doonaa dawo iyo waliba raashin loogu talagalay dadka dhibaateysan.

Boqorka dalka sacuudiga Boqor Cabdalla Binu C/casiis oo ku dhawaaqay deeqdan ayaa sheegay in ay si weyn uga xumaadaan macaluusha darran ee soo food saartay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in deeqdaan tahay bilow, islamarkaana dhawaan ay u rari doonaan dalka Soomaaliya Timir loogu talagalay dadka si ay u isticmaalaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Deeqdan ay ku yaboohday dowladda dalka Sacuudiga ayaa waxaa noqoneysaa tii ugu badneyd ee dowlad carbeed ugu deeqdo dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan dowladda in ay jiraan dalal kale oo badan oo sheegay in ay ka qeyb-qaadan doonaan kaalmada loo fidinayo dadka dhibaateysan ee ku dhaqan dalka Soomaaliya.