Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gabar Mudug Ka Ashtakootay Wirig-Wirigta Qurba Jooga Ee U Soo Dheelmaday Sicir Bararka Da'da Guurka

Wednesday - July 27, 2011

Gabar magaceeda tiri ha sheegina oo address-keedu yahay xaafad ka mida magalada Gaalkacyo sida muuqatana qaylo dhaanteeda afkii lingixa ka gooysay, sheegtayna iney si gaar ah ugu taxan-tahay akhriska website-kan ayey shabakadaan Galdogob Times u soo dirtay E-mail ku xardhan  canaan ay ku talax tagtay oo ay ku darensiineyso dadkeeda iney marayaan dhabo iyada iyo kuwa la mida u daran .. waa yaabe ay kaga hadleyso ibtilada guurka iyo xaaladeeda dibu dhac guur oo ay tiri waxaa sababay raga mujtamaca Mudug ku nool iyo qurba joog nagu soo dheelmaday ee sicirka guurka da'da barariyey, iyagoo sii indho adkaana door bida iney dhaqan ka dhigtaan guur gababdho aan qaan gaarin oo jira 16 jir iyo wax ka hooseya, halka gabdhaha sideydoo kale oo jira illa 25 sano uf la yiri da'da, taaso keentay hablihi guurka u diyaarka ahaa ay ku sugnaadeen guur la'aan.

Waxaa la yaaba ayey tiri dadku waa wada dad hadana raga ceynkaas sameynaya intooda badan ma aha kuwa kada-loobsan-kara, barkoodna caruurtoodi bey soo dayaceen oo ma laha dhaqan iyo xeer dabrta, waxayna ku mudaceysa gabadhaas in ragaas aysan ka waabaneyn dad dan yara oo  gaajo la qaansoobay oo halka dhac-dhac uu ka siin-lahaa yiraahda gabadhaan yar ii siiya.

Gabadhaas oo ciil u gadoodsan, ilmaduna ka da'ysa oo sheegtay in imtixaan ka haysto xaga guurka ayaa xaaladaha guurgaas aad uga soo hadashay oo hadaan soo koobo nuxurku yahay in gabdhihi ku haboonaa guurka la garab maray, iyado ragi qurba joogtada ahaa ee wirig-wirigti xeesha Yurub ayaamo wacan kala kulmay ay oori ka dhigteen amase guurkii ku jiheeyey gabdho saqiirnimo la cir-ciiraya oo aan waqtigoodi gaarin. taaso ayey tiri inta badan maraky uuroobaan ay xabaal qarka u saaran-yihiin.

Gabadhaas oo hadalkeeda si wadata soona koobeysa waxay xustay ineysan guriga ka bixin oo xitaa aysan booqan dumarka la qabo ama saaxibadeedi saqiirnimada lagu guursaday waayo ayey tiri waxaan dareemaya sidi qof naaqus ah, oo si xaqdaro ah loo baal maray, waxayna tiri bulshada halkaan waa gaalkacye gaar ahaan familka xigtada ii ah oo markasta igu eega il naxariis daran oo ii leh maxay la gursan la'dahay, iyagoo iska indha tiraaya iney iyagu qayb ka yihiin guur la'aanteyda taaso ay tiri xaaladeeda nafsi waxay ku beertay murugo iyo xanuun uurka ku reebtay.

Gabagabo, waxay tiri waxaan aad ula yaaba qaar isku daya in ay igu riixaan majare ay haystaan oo khaldan, oo waxaan ku iraahda ma ihi taad ka badali-kartaan majaraheeda .. waxay tiri alle kama aanan quusan, oo cirko seeman samadu qaawantahay habeenkii oo dhan waxaan ku jira quraan akhris iyo udciya aan alla uga tuugayo inaan helo nin xalaal ah oo aan la aqal galo, ubadna aan u xanbaaro, sidaa daraadeedna ay shabakadaan ka codsatay iney wax ka qoraan waxa ay la karkareyso oo xaajadaan sida ku haboon loo abaaro

Cala ay xaal,waxaa la yiri nin ku tabiyey ku taageer, anagu hadaan nahay bahda shabakadaan wax ku xardha waxaan arinkaa u soo gudbineynaa raga qurba joogtada oo xilo-doonka oo aan leenahay saw ma aha xisaabta in dib loo rog-rogo, saw ma aha in la eego cabashada gabadhaha oo u baahan in la isu-miisaamo waxa aad weydaarsaneyso oo waliba si xaqa ah u dheeli-tiran .. maanta gabdhaan qareenka ah xaqa ku doodeysa ee sida muuqata caqligeeda iyo dhuuxeedu iftiimaya  ninkey dhinac marto dheygaag iyo yaab baa ku dhic-doona oo hadhow waxuu xolo baanka dhigtay jeeg buu ka soo dhigin .. arintu si kastaba ha noqote qofkii daneynaya inu jawaab ka bixiyo qoraalka gabadhaas ha nala soo xariiro, waxaan su'aal la'aan siineynaa magaca iyo halku jawaabta lagu hagaa-jinlahaa.