Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mudane ka Tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka Oo Sheegay In 40 Dhalinyaro Mareykan Ahi Ay Ku Bi....

Wednesday - July 27, 2011

Washington- Guddoomiyaha guddida amaanka gudaha ee golaha wakiilada Mareykanka Peter King, ayaa sheegay in 40 dhallinyaro Mareykan ahi ay ku biireen  Al-shabaab sannadihii dambe si ay ugu dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya .

Mudanahan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto magaalada New York ayaa sheegay in warbixintiisan uu u cuskanayo baaritaano ay sameeyeen guddida uu madaxda u yahay.

Mr. King ayaa hadalkan ka sheegay dood ay xildhibaannada dalkaas ka yeesheen xagjirnimada, taasoo shalay gallinkii lagu qabtay xaruntooda.

Tiradan ayaa noqonaysa  mid aad  uga badan tii  ay hore  u soo gudbisay waaxda ka hortagga-argagaxisada ee dalka Mareykanka, taasoo sheegaysay in 21-qof oo Mareykan ah ay ku biireen  Al-shabaab.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in ay qaarkood ku dhinteen dagaalada ka socda Soomaaliya, laba kale oo Somali-Mareykan ahna ay fuliyeen qaraxyo loo geystay saldhigyo ay AMISOM ku leedahay Muqdisho.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta xukuumada federal-ka  ah iyo ciidamada Midowga Afrika ee gacanta siiya, ayaa laba qarax oo is-xiga ay ka geysteen dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dhinteen 76-qof sannadkii hore.