Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dhagar-qabihi Oslo Ku Halaagay Qoonkii Norwey Oo La Geyn-doono Xabsi Dalxiiso Kale Ah

Thursday - July 28, 2011

Oslo: Waxaa la wariyey najuuski sababay xasuuqay dadkii Norwey " Oslo Massacre" dhagarqabe Breivik ayaa loo diyaariyey xabsi ku yaala meel jaziirad ah oo sida la sheegay aan ka dhicin hoteelada raaxada lagu tilmaamo ee ku astaaman darajada shanta xidigood ee dalxiisa-yaasha indha-hooda basaasmeen ku indha- doogsada.

Sida ay sheegeen dad ka warqabo xabsiyadaas gaar ahaan kan la geyn-doono dhagarqabe Breivik waxay ka yiraahdeen lama oran-karo waa jeel, macquulna ma aha in ninki qunbuladaha rasaasta iyo wixii balo ka qiiqeysay ee caruurti Oslo agoonteeyey oo qoon dhan halaagay la seexiyo xabisiyada raaxada leh, maxaa yeelay ayey yiraahdeen xabsigaas waa meel maxaabiista lagu sooryeeyo udug iyo anfac leh oo maxbuuska saxaradiisa ku noqoto udgoon .. waxay yiraahdeen waa meel raaxo loogu tala galay oo si gaara maawelada nolosha ku fiican siiba mudada maxbuusku u halkaas ku xabisan-yahay, waxaa la orankara waa sidi shini malab dhex jiiftaa usan daremeyn wax qushaasha oo dhibi-kara

Warka ayaa intaa ku daraya in dhagar-qabaha xabsigaas la geyn-doono u ka heli-doono wax kasta oo naftu jeceshay siiba si gaara ayaa najuuskaas xabsiga loogu roonaan-doono cbitaanka jabinta biirka iyo jiinka ay u dheertahay laxamada baruurta ay gaaldu jeceshahay, waxuuna qolkiisa maalin walba loogu keeni-doonaa saaxibadiis jaceylka amase mida u isagu taleefoon ku dalbado .. qolkiisa xabsiga dhagar-qabuhu waxuu kalo ka heli-doonaa Tv midab leh iyo kombiuter casri oo meel-kasta u kula xariiro.