Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maleeshiyadi Al-Shabaab Waa La Sii Riixaya

Saturday - July 30, 2011

Mogdisho: Xigasho Hiiraan- Ugu yaraan 21-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaallo culus oo maanta ku dhexmaray degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab.

Dagaalladan oo saakay aroortii hore ka qarxay degmooynka Wardhiigley iyo Boondheere ayaa ku fiday degmada Yaaqshiid oo ay Xarrakada Al-shabaab gacanta ku haysay, iyadoo ciidamada dowladda ay dagaalka maanta kula wareegeen dhul badan oo Muqdisho ka tirsan.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa u sheegay shabakada HOL in ciidamada dowladdu ay ku sugan yihiin xaafado ay ka mid yihiin: Isgoyska Cali-kamiin, Furayaasha, Xararyaalle iyo kuwo kale oo ka tirsan degmada Wardhiigley.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in Suuq Bacaad, isgoyska Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo qaybo agagaarka garoonka kubadda cagta ee Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.
Saraakiisha dowladda KMG ah ee hoggaaminaya dagaallada ayaa iyaguna sheegay inay ku wajahan yihiin goobo kale oo ay ka mid yihiin isgoyska Baar Ubax iyo qaybo ka tirsan degmooyinka ay gacanta ku hayso Al-shabab.

Qaybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha oo ay ka mid yihiin masjidka Abuu-hureyra iyo dhismaha shirkadda xawaaladda Dahabshiil iyo shirkadda internet-ka ee Global, shirkadda isgaarsiinta Nationlink ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya AMISOM.

Gudaha suuqa Bakaaraha ayaa waxaa weli ka socda dagaallo u dhexeeya DKMG ah iyo AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-Shabaab, waxaana la maqlayaa rasaas culus iyo madaafiic ka dhacaysa.

Dadka ku dhintay dagaalka maanta ayaa waxaa ku jira saraakiil ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee dagaalka hoggaaminayay, iyadoo Xarrakada Al-shabaab aysan weli ka hadlin dagaalada culus ee ka socda Muqdisho.
Isbitaalka Madiina ayaa la dhigay dhaawacyada in ka badan 50-qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay dagaallada maanta, iyadoo saraakiisha isbitaalkaas ay sheegeen in afar qof oo ka mid ah dhaawacyadii lasoo gaarsiiyay ay dhinteen.