Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

X. Mubarak Oo Bishaar Kula Taliyey Iney Dhamaatay Xiligi Ha Laygu Heeso "Hooyadiis Baa Nin Dhashay"

Friday - August 19, 2011

Qahira - Madaxweynihii hore ee kacdoonka shacab xukunka lagaga tuuray, isla markaana maxkamadayntu ku socoto Mr. Xusni Mubarak, ayaa Madaxweyna Syria ee mudaharaadka shacbiga ahi xukuumaddiisa gilgilayo Bashar Al-assad ku dhalaaceeyey dambiyada uu shacabkiisa ka geliyo, sidoo kalena kula taliyey inuu danaha shacabkiisa u oggolaado, xukunkana isaga tago intaanay xaaladdiisa oo kale la soo darisin.

Wargeyska ka soo baxa dalka Masar ee Al-Jamhuuri oo soo xiganaya ilo ku dhaw Mr. Mubarak, ayaa sidoo kale sheegay in Xusni Mubarak sidan ka sheegay cusbitaalka caafimaad ee uu ku sugan yahay ilaa dacwaddiisa xukun laga gaarayo.

Mr. Mubarak waxa uu xilligan ku sugan yahay xaalad murugo iyo bukaan isugu darsantay, kadib markii loo gudbiyey cusbitaal xabsi ah, meeshana ka baxeen ilaaladiisii khaaska ahayd, waxaanu wargeysku sheegay in wararka uu helay tibaxayaan in Xusni Mubarak muragadiisu bilaabantay maalintii ugu horreysay ee bisha barakaysan ee Ramadaan maxkamadda la taagay ee lagu soo oogay eedaha kala duwan isaga iyo labadiisa wiil.

Sidoo kale, Mr. Mubarak ayaa ku tilmaamay xukunkiisa in uu la mid yahay xukunkii lagu daldalay madaxweynihii hore ee Ciraq Saddam Xuseen oo siduu sheegay dhacay maalin muslimiintu faraxsan yihiin oo Ciiddal Odxa ah.

Madaxweynihii hore ee Masar oo eedaymahiisu u badan yihiin musuqmaasuq baahsan iyo dil-wadareedyo lagula kacay dakii mudaharaadayey, ayaa waxay arrimahan yihiin ku furaha u ah dedejinta eedaymihiisa, waxyaabaha aad u soo jiitay warbaahinta Masar iyo kuwa caalamka waxay ahayd Xusni Mubarak oo malmihii maxkamadda la keenay jiifa sariir, kuna jira shabagga la geliyo eedaysanayaasha, kaas oo garab taagnaayeen labada wiil ee uu dhalay ee Jamal iyo Alaa.

Dambiyada lagu eedeeyey Mr. Mubarak waxa lagu helay baaritaanno hoos loo sii galay, isla markaana socdo muddo dhawr bilood ah, kuwaas oo ka kooban kumanaan dokumantiyo ah, laakiin masuuliyiinta garsoorka Masar ayaa dedejiyey inay bilabaan gal-dacwadeedkooda, si u dejiyaan mudaharaadayaasha doonaya in loo xukumo masuuliyiin badan oo ka mid xukuumaddii Mubarak.