Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Xsan Aloore

Saturday - August 20, 2011

Gaalkacyo: War na soo gaaray ayaa noo xaqiijiyey in dhagar-qabayaashi dilay Xasan Aloore Ay soo qabteen rag dhaarsan oo mudooyikaan raadkooda ku daba joogay, waxaana la sheegay iney ka soo qabteen aqal ehel cadaabeedka oo hoy u ahaa  

 (RBC Radio):- Waxaa warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada RBC Radio iyo Raxanreeb.com ay xaqiijinayaan in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah dadkii fuliyay dilkii loo geystay Nabaddoon Xasan Xuseen Aw-maxamed Waloore oo 7-dii bishan Agoosto dabley bistoolado ku hubeysan ay madaxa ka toogteen xilli uu ka soo baxay masaajidka Macmuur ee xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Baaritaano ay sameeyeen ehelada Nabaddoon Waloore ayaa suurta gelisay in gacanta lagu soo dhigo rag la sheegay in ay fuliyeen howlgalkii lagu khaarajiyay Nabaddoon Xasan Waloore.

Habka loo soo qabtey dadka la sheegay in ay dilka Nabaddoonka fuliyeen.

Kadib markii ay xog buuxda heleen ehelada Nabaddoonka la dilay waxaa ay si toos ah u abbaareen halkii loogu sheegay in ay ku sugan yihiin dadkii geystay dilka Nabaddoonka, waxaana u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan laba ruux oo mid ka mid ah uu dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay xilligii la soo qabanayay halka mid kalena la sheegay in uu u baxsaday xaafada Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo kaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in uu baxsaday isagoo dhaawac ah, waxaana howlgalkani uu ka dhacay bartamaha suuqa Gaalkacyo.

Su’aalo la weydiiyay dadkii loo qabtey in ay ka dambeeyeen dilkii Nabaddoon Waloore.

Waxaa su’aalo la weydiiyay mid ka mid ah labadii nin ee loo soo qabtay dilkii Allaha u naxariistee Nabaddoon Waloore halka mid kalena uu dhaawac aha oo lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad, waxaa wararka lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in nin ka mid ah ragga la qabtey uu qirtay ku lug lahaan shaha falkii lagu dilay Nabaddoon Xasan Waloore, wuxuuna iftiimiyay in ay howlgalka dilka ku fuliyeen saddex qof ayna ku qaateen kharash gaaraya $1,500 (Kun iyo shan boqol) waxaana wararku intaa raaciyeen in ay qirteen dadkii howshaasi u diray iyo habkii ay howlgalka u soo fuliyeen, shakhsiga arintaasi ka sheekeynaya waxaa la sheegay in uu qirtay isaga iyo ninka baxsaday in ay ahaayeen kuwa dilka fuliyay halka ninka dhaawaca ahna uu ahaa qof kor ka ilaalinayay dil fuliyaasha.

Halka ay ku dambeeyeen dadkii loo soo qabtay dilka Nabaddoon Waloore.

Dadkii loo soo qabtay in ay fuliyeen dilka Nabaddoon Xasan Xuseen Aw-maxamed (Waloore) ayaa lagu wareejiyay dowladda Puntland waxaana la geeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland halkaasi oo su’aalo badan lagu sii weydiin doono.

Sababaha loogu wareejiyay Puntland dadka la soo qab-qabtay ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay Puntland gacanta ku soo dhigto guud ahaan shakhsiyaadka la sheego in ay ku lug leeyihiin dilalka qorsheysan ee Gaalkacyo laga fuliyo, maadaama nimankani ay sheegeen in ay dhaqaale  ku qaateen dilka Waloore.

Ciidanka Puntland oo howlgal ka fuliyay Hotel Gaalkacyo ku yaala oo uu galay raadka dilkii Waloore

18-kii bishan xilli habeenimo ah waxaa ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo wata gaadiidka gaashaaman ay xoog ku galeen hotelka Qaboobe ee magaalada Gaalkacyo, waxayna halkaasi kala soo baxeen haweeney iyo nin halkaasi ku sugnaa.

Waxaa la sheegay in haweeneyda ay ciidamadu qabteen ay ahayd maamulaha hotelka Qaboobe halka ninka la qabtayna lagu sheegay in uu la shaqeyn jiray dowladda Puntland, waxaana wararku xaqiijinayaan in dadkaasi ay ciidamadu jirdil ku sameeyeen ka hor inta aysan ka xeysan, waxaana sidoo kale uu halkaasi dhaawac ka soo gaarey mid ka mid ah dadkii hotelka degganaa oo qol sare ka soo dhacay.

Haweeneyda iyo ninka laga qabtey hotelka Qaboobe ayaa waxaa ciidamadu u kaxeysteen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana la sheegay in uu soo galay raad ka mid ah raadadkii ay sheegeen ragga loo soo qabtey fulinta dilkii Nabaddoon Xasan Waloore.

Aragtida Shacabka Gaalkacyo.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa todobaadkan si weyn u hadal hayay sheekooyinka ku saabsan dilkii Allaha u raxmadee Nabaddoon Waloore iyo dadka loo soo qab qabtay waxyna arintaasi uga hadleen siyaabo badan, hase ahaatee waxay ka siman yihiin soo dhoweynta in gacanta lagu dhigo cidda ka dambeysa dilalka qorsheysan ee magaalada ka dhaca, iyadoo Waxgarad badan oo bulshada Gaalkacyo meel weyn uga yaalay la dilay iyadoon ciddii dishayna la helin ama aan la aqoonsan.

Waxaa arintani ay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan mid ka mid ah beelaha gobolka deggan Waxgaradkooda lagu soo haggaajiyay dhaqaale la sheegay in uu yahay diyada nin lagu dilay Gaalkacyo oo cid dishay aan horey loo garan, waxaana arintani ay buuq iyo is aaminaad la’aan ka dhalisay Waxgarad iyo beesha ay ka dhasheen.

RBC Radio.