Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

Berbera Oo Nasiib U Yeelatay In Laga Dhiso Warshad Lagu Safeyn-doono Shidaalka .. By Osman A. Sool

Thursday - August 25, 2011

Addis-ababa- Warside u dhoon-daloola Arimaha Shiidaalka Degaanka Somalida ee Ethiopia oo la yiraahdo Wabishabeele ayaa daabacay war sheegaaya in Berbera qarka u saaran tahay in laga dhiso Wershed lagu safayn-doono Shiidaalka Ceerin.

Warsidaha ayaa warkan uu faafiyey ku bilaabay sidan.......Sida ay u muuqato, wershedda lagu safayn-doono shidaalka laga soo saarayo deegaanka Soomaalida ayey suurogal tahay in laga dhisi-doono magaalada Berbera oo ku taal Jamhuuriyada Somaliland.

Sida laga soo xigtay warar aan wali la faafin, sherkedda PetroTrans ayaa dhawaan guddi farsamo u diri-doonta Berbera si ay u soo qiimeeyaan inay magaaladaasi ku habboon tahay dhismaha wershed safaysa shiidaalka ay sherkaddani ka soo saari doonto deegaanka Soomaalida.
Sherkadda PetroTrans ayaa heshiis la soo gashay wafti uu dhawaan hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mohamoud Siilaanyo, kaasoo bookhday dalka Shiinaha. Sidaas oo kale, bishii tagtay ee July waxay sherkaddani heshiis ay kula wareegeyso gacan ku haynta 25-ka sano ee soo socda ceelasha shiidaalka ee Jeexdin iyo Elele la gashay dowladda dhexe Itoobiya.

Heshiiska labada dhinac, PetroTrans iyo dowladda dhexe ee Ethiopia, ayaa dhigaya inay PetroTrans saddex sano guddahood galiso tubbooyin shiidaalka ka qaada Jeexdin iyo Elele, kuwaasoo shiidaalka gaarsiiya dekadda Jabuuti ama Berbera.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha, ahna Madaxweynaha sherkadan, John Chin, sherkadda PetroTrans waxay wax ka yar 10 billood ku galisay tubbo 600 km ah oo shidaalka u kala qaadda magaalada Khartoum iyo dekedda Sudan.

Heshiisyada tubbo galinta shiidaalka deegaanka Somalida ee Ethiopia

PetroTrans maaha sherkeddii ugu horraysay ee gasha heshiis ku saabsan sidii shidaalka deegaanka Soomaalida tubbooyin loogu qaadi lahaa, waxaana kaga horreeyey heshiiskan shirkaddo dhowr ah, kuwaas oo dhamaantood aan waxba ka hirgalin.

Sanadki 2006 sherked la yiraahdo Petronas oo laga lahaa dalka Malaysia ayaa dowladda dhexe Itoobiya la gashay heshiis ay qodobadiisu ku jirtay inay galiso tubbooyin shidaalka ka qaada deegaanka oo geeya Jabuuti. Heshiisku wuxuu ahaa in tubbada kowaad la galiyo Elele, taasoo shiidaalka Elele ku shubaysa xarun ku meelgaar ah oo laga dhisi lahaa Jeexdin, halkaana ay shidaalka Jeexdin iyo Elele ka wada qaado tubbo kale oo weyn oo geysa Jabuuti. Arrintaa waxba kama suurogalin, waxayna mashruucaas Petronas ku lumisay $300 oo milyan oo lacagta Maraykanka ah iyo $80 milyan oo ay siisay dowladda dhexe Itoobiya.

Sanadkii 2004, sherkad la yidhaahdo Si Tech International (SIL) oo fadhigeedu yahay Bariga Dhexe ayaa dowladda dhexe Itoobiya la gashay heshiis dhigayey inay shiidaalka Jeexdin iyo Elele tubbooyin ku geyso magaalada Dirdhaba labo sano guddahood, heshiiskaas oo uu markaa dowladda dhexe u saxiixay Wasiirki hore ee Macdanta, Maxamud Dirir. Sherkedaas ayaa iyana xiligaa ballanqaaday inay maalin kasta Jeexdin iyo Elele ka soo nuugi doonto 34,000 oo foosto oo shiidaalka caadiga ah, waxayna intaa raacisay inay 20 milyan oo foosto oo shiidaalka noocyadiisa kala ah benzene, Kerosene iyo diesel ay Jeexdin iyo Elele ka soo nuugi doonto labo sano gudahood. Heshiiskaas oo ay ahayd inuu ku kaco $1.5 bilyan oo dollarka Mareykanka ah waxba kama suuroobin isna.

Sanadki 2002, heshiis kaa u qaab ekaa ayaa waxaa sidaas oo kale kala saxiixday dowladda dhexe iyo sherked laga lahaa dalka Ruushka oo la odhan jiray Methanol, kaasoo muddo gaaban gudihi iska burburay, kadib markii la waayey kharashkii lagu heshiiyey.

Sanadki 2000, sherked kale oo iyana la yidhaahdo Sicor, Inc. oo saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa heshiis ay tubbooyin ku galinayso Jeexdin iyo Elele waxey la gashay dowladda dhexe Itoobiya. Heshiiskaasi wuxuu ahaa in tubbooyinka la galinayo Jeexdin iyo Elele ay shiidaalka geeyaan Awash, islamarkaana ay Awash ka dhisto wershaddii safayn lahayd shidaalka, waxayna dhamayd lacagta loo qorsheeyey galinta tubbooyinkan $800 oo milyan oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo guud ahaan qiimaha heshiiskan uu ahaa $1.4 bilyan oo dollarka Mareykanka ah. Heshiiskaa ayaa isna markii danbe meela u dhaqaaqi waayey.

Sida ku cad buugga kaydka taariikhda shidaalka deegaanka Soomaalida ee warsidaha Wabishabeele, shirkadaha arrintan danaynaya aad ayey u badan yihiin, laakiin waxa muuqata in heshiisyada shiidaalka lagaga soo saarayo deegaanka Soomaalida iyo waliba kuwa tubbo galinta Jeexdin iyo Elele aanay marna suurogalin, si kastaba wax ha u jiraane.
 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. [email protected]