Israaiil Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Dirtay Xuduuda Ay La Wadaagaan Dalka Masar
Monday - August 29, 2011
Ciidamada dalka Israaiil ayaa shaaciyay in ay Ciidamo dheeraad ah u soo direen Xuduudda ay Masar la wadaagaan, iyaga oo ku doodaya in ay ka hortagayaan waxa ay ugu yeereen khataro kaga iman kara Xuduudd ay Masar la wadaagaan.
Arintan ayaa timi maalmo yar kadib weerarkii lagu qaaday Ciidamada Israel ee ku sugnaa Magaalada Eilat ee dalka Israel, weerarkaasi oo sababay dhimashada 8 Askari oo Yuhuud ah iyo dhaawaca 30 kale arintaasi oo ay Israaiill kaga jawaabtay duqeeymo xaga cirka ah oo ay ka fuliyeen xuduuda Masar halkaasi oo ay ku dhinteen 5 ka mid ah Ciidamada Amaanka ee dalka Masar.
Af-hayeen u hadlay Ciidamada ayaa sheegay in Taliyaha guud ee ciidamada Israel uu amray in ciidamo dheeraad ah loo diro Xuduudd ay Masar la wadagaan.
Af-hayeenka ayaa waxa uu inta ku daray in arintani ay heshiis ku yihiin dalka Masar oo ay tahay iskaashi xaga Amaank ah oo lagu sugayo Xuduudda ay wadagaan labadan dal.
Dhanka kale Ciidamada Yuhuuda ayaa xoojiyay isla markaana waxa ay Ciidamo dheeraad ah u direen Xuduudda ay la leeyihiin Marinka Gaza waxana heegan la galiyay ciidamada Aagasi jooga cabsi laga qabo darteed weeraro dhanka Gaza kaga yimaada sida uu sheegay Afaheenka ciidamada Israaiill.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa xili dadka reer Masar ay caro badan ka qaadeen weerarka ay israaiil ka fulisay Xuduudda ay la leeyihiin dalkani Masar taasi oo sababtay In dowladda Masar ay safiirkeedu uga yeerato Tel Aviv walow ay hadana go'aankaas dib uga laabatay.