Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Warkii 3-aad Oo Ku Saabsan Dhiiga Gaalkacyo Ka Hibiqley-Naaya

Friday - September 2, 2011

Gaalkacyo :Ciidamada Puntland oo si gaar ugu gaashamaan hub culculs oo ay weheliyaan taangiyo iyo gawaari gaashaaman oo garab siinaya mid ka mida labo beel oo walaala ah oo horay ugu  dagaalamay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa saakay ilaa hadda wli wada xasuuqi ay aruurti ku bilaabeen shacab u dhashay beesha leelkase oo ka mida beelaha wada sameystay maamulka Puntlant.

Dagaalkan oo la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay dagaal kal hore sanadkan Gaalkacyo ku dhex maray dagaal yahano ka tirsan beelaha Leelkase iyo Cumar Maxamuud ayaa bilawday dhurnimadii shalay kadib markii ay ciidanmo ka tirsan ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen Makatabad lagu duubo cajaladaha oo ku taalla xaafadda Garsoor halkaasi oo uu iska lahaa wadaad kasoo jeeda Beesha Leelkase oo ay Puntland ku eedaynayso inuu ka tirsan yahay kooxda mayalka adag ee Al Shabaab.

Dagaalkii Shalay ayaa waxa uu khasaaro xooggan soo gaarsiiyay ciidamada Puntland iyo sidoo kale dagaal yahanada beesha Leelkase, waxaana ciidamada Puntland dagaalkaasi la soo sheegay iney uga dhinteen in kabadan 10 ruux halka dagaalyahanada beesha Leelkasana ay ku waayeen dad isugu jiray dagaalyahano iyo sidoo kale dad shacab ah oo qaarkoodna la toogtay qaarna madaafiic lagu garaacay guryahooda.

Magacyada Shacabka Leelkase ee Xasuuqa loo geystay maalinimadii Shalay oo qaarkood na soo gaaray ayaa ka mida:  
01 Cabdulaahi Maxamed Axmed “Dhaloole” 
02 Xassan Qaaje Axmed Faarax 
03 Maxamed Ibraahim Qaaje 
04 Khadra Xassan Isxaaq 

Waxaa naloo xaqiijiyay in Xassan Qaaje Faarax oo ahaa ilaa iyo oday 50 sano jir ah ay ciidamada Puntland si bareer ah ugu hortoogteen isagoo hor fadhiya gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Garsoor, halka Khadra Xassan Isxaaq oo ah hooyo dhashay caruur gaareysa ilaa iyo 8 caruura taasi oo uu qabay marxuun Cabdisalaan Jalamada Maamulihii hore ee shirkadda Tawakal ay dhimatay kadib markii si bareer ah gurigeeda madfac loogu garaacay, iyadoo madaafiicdaasi u geeriyootay qaar ka mida caruurteedana uu dhaawac gaarsiiyeen madaafiicdii lagu garaacay.

Dadka saakay lagu laayay madaaficda iyo weerarka gaadmada ah ee lagu soo qaaday Garsoor ayaa ayaa ila hadda la xaqiijiyey iney ka mid yihiin 

01 Cabdiraxmaan Gurxan Shaybe
02 Diiriye Cali Shaandhe
03 Sahuur Aadan Saleebaan 
04 Cabdifitaax Buldhe Axmed Dhoore 
05 Cabdi Maxamed 

Dhinaca kalana goob joogayaal ku sugan Xaaffada Garsoor ayaa xaqiijiyay in dadka maanta iyo shalyba dhaawacmay ay ku jiraan tiro caruur ah oo kamid ahaa dadka shacabka ah ee lagu xasuuqay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa kalo warku sheegaya in saakay uu dhaawac soo gaaray 4 caruur ah oo u jarmaadeysay dugsi quraan kuwaasi oo uu madfac xoogan oo garsoor ku soo dhacy firir gaarsiiyay, halka shalay oo kale caruur iyo dumar farabadan la geeyay isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Xasuuqan loo geystay shacbiga aanan waxba galabsan ee Beesha Leelkase ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo aysan ka hadlin siyaasiyiinta leelkase kaga jira Dowladda Puntland sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirka Caddaalada Ajaaye iyo wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga  Cabduqaadir Xaashi Gaabane.

Xigasho: Saciid Mursal- xaafada Garsoor, Gaalkacyo

Fiiro Gaara: Shabakadaan Galdogob Times Aya idin ku wargalineysa in qofkii raba inu warar iyo xog dagaalka socda la xariira soo tabiyo fadlan ha la soo xariiro E-melkaan [email protected]