Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Baaq Ay Soo Saareen Jaaliyada Qurba Joogtada Beesha Tanade Ee North Ameerika .. Seattle, WA

Friday - September 2, 2011

Ku: Dhamaan Cida ay Khuseyso

Waxaan beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ogaysiinaynaa in dad rayid ah oo degan xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo lagu soo qaaday dagaal loo isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay iskugu jiraan madaafiic iyo taankiyo iyadoo aan saqiir iyo kabiir midna loo tureyn. Waxaa ku dhintay weerarkaan dad maato ah oo ubadan dumar iyo caruur oo iyagu ku jirey guryihii madaafiicda lala dhacey. Weerarkaan oo ay ka dambeeyaan ciidamada dawlad goboleedka  Puntland ayaa ah mid lagayaaban yahay oo ilaa hada aan lagaraneynin ujeedada laga leeyahay dilka iyo xasuuqa dadkaan rayidka ah loo geystay.

Umada Soomaaliyeed mudo dheer ayay dagaal kusoo jirtay weyna kadaashay halka uu ina Faroole maanta dagaal uu bilaabayo. Magaalada Gaalkacyo waxay kamid ahayd magaalooyinka ugu nabada roon marka loo la eego qabaailada kala duwan ee halkaas ku nool. Dadka dega xaafada Garsoor waxaa lagu yaqaanaa nabad jaceyl iyo xasilooni. Waxaa layaab ah in dagaal lagu sooqaado dad nabada jecel iyadoo marmarsiyo laga dhiganayo arimo la xiriira xaga argagaxisada si loo baneysto dadka maalkiisa iyo naftiisa.

Waxaan haynaa cadeyn maqal iyo muuqaal leh oo sheegaysa inay ciidamada Puntland ka dambeeyaan dilalkii foosha xumaa ee dhawaan ka socday degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Markii maamulka Cabdiraxmaan Faroole lahordhigay cadeyntaas, waxay jawaabtoodu noqotay inay weerar kusoo qaadaan xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Meesha laga filayay wadashaqeyn,  Faroole waxuu ka doorday inuu reer Puntland ukala qeybiyo; reer uu “argagaxiso” ku magacaabo iyo reer uu “burcad badeed” ku magacaabo si uu ufiliyo ujeedadiisa ah kala geynta dadka walaalaha ah.

Waxaan ka codsanaynaa dowlada federaalka ah inay cambaarayso xasuuqaan dadka rayid ah loo geysanayo oo ay dowlada Puntland ay wado. Isla markaasna waxaan si gaar ah uga codsanaynaa barlamaanka Puntland, haday yihiin kuwa matala shacabka reer Puntland, inay kalsoonida kala noqdaan Faroole iyo dawladiisa. Sababtoo ah, waxay ku tunteen axdigii ay dawlada Puntland ku dhisneyd ahna axdi caalami ah kaas oo ah ilaalinta xuquuqda aadanadaha. Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed iyo kan reer Puntland  inay dhaleeceeyaan xasuuqa lagu hayo walaalahooda  ku nool magaalada Gaalkacyo .. Wa bilaahi Taweiiq