Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Warkii 4-aad Ee Ku Saabsan Dhiiga Ka Hibiqley-naya Garsoor- Gaalkacyo

Friday - September 2, 2011

Sida saacdo ka hor na soo gaartay dagaalkii xaqdarada u hogaaminaayey Hororka Faroole ayaa waqti dambe hakad galay iyadoo dhinacyadi dagaalamayey ay qolo walba aag dhufeys ka gashay, warka ayaa intaa raaciyey in meydka labada dhinacba u badanyahay waloow la carbaabay in qolada weeerka ahayd u meydkooda badan-yahay iyagoo fuursana ay daadsanyihiin goob kasta oo dagaalku ka socdo.

Wiil halyey diran oo la duuban xaqa kuna jira aaga Garsoor oo khadka isgaariista u haysto lagala xariiray ayaa yiri ma garan-karo dhimashada xagayaga inta ay tiro tahay, laakiinse aan sheegi-karo un in mooryaanti Faroole u meydkooda aan ku qiyaasay tobaneeyo ay hor yaalin guri aan kaga jiro difaaca, laakiinse ma garankaro aagaga kale meydkooda daadsan .. wiilkaas oo sida la sheegay gurmad ahaan ka yimid degmooyinka ku teedsan Gaalkacyo mid ka mida ayaa intaa ku daray in ay ku kalsoon-yihiin is difaacooda, waxuu kale cadeeyey in gurmadkii iyo hubkii u soo diray horor Faroole ay hiil u galiwaayeen mooryaantoodi horay uga dagaalameysey Aaga.

Waxaa kalo dhinacyada warka ka imaanaya ay iyaguna cadeeyeen in Mooryaanta Faroole ee mirqaanku hago ay xaafada meelaha qaarkood hantidi tiilay boobeen oo qaarkood xabadi ku dhacaday iyagoo badeecdaas la hardaafaya.

Waxaa isa soo taraya wararka diidmada mujrim Faroole inu dagaalka ka waantoobo oo joojiyo dagaalka u kula jiro beesha Leelkase, waxuuna yiri waxba dhageysan-maayo ee teyda ayaan ku soconayaa, ee waxaad doontaan sameeya hadaad tihiin shicibka reer Garsoor .. waxaana muuqata in badhi-walle Faroole in falaadkiisi iyo baaqiisi isu badalay inu dagaal ku jiheeyo reero Somaaliyeed aan waxba galabsan islaam ah u mooraduugo .. Qabri waxuu ku dumay reer Garsoor kuwa qaan ay ku yeeshaan.

Fiiro Gaara: Fadlan Qof Alaale Qofkii War Ka Haya Dagaalka Garsoor Amase Xog Gaara Ha La Soo Xariiro E-melkaan [email protected]