Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ogeysiis .. Ogeysiis La Xariira Dhiiga Garsoor Ka Hibiqley-naaya

Friday - September 2, 2011

Waxaa dhamaan bulshada hormoodka xaqa iyo cadaalada, qurbo joog iyo gudo joog mid ay yihiinba loo sheegaya in dhawaan la magacaabay rag aqoon-yahano ah oo yaqaan dawga loo maro dacwadaha xasuuqa iyo saxariirta, loona xilsaaray iney furaan galdacwadeed lagu soo oogayo dambiilyasha ay ka soo if baxeen dabeecadaha dugaaga balse ka sii liita u ugu horeeyo hororka seef la boodka Faraoole ee xasuuqa ba'an ka geystay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan degmada garsoor ee calanka cas loo taagay, sidaa darteed ma daama gudiga ay aruurinayaan fal dambiyeedka dhacay iyo cida ka masuul ah, waxaa la faraya bulshada qurbo joog iyo gudo joog intaba meelkasta ay joogaan in laysku taxalujiyo sidi loo soo aruurin-lahaa magacyada  shakhsiyaadka ku lug leh xasuuqa ka socda degaankaas Garsoor, waxaana u soo qoreysaan sidaan.

1-Magaca iyo Neynaasta dhagar-qabaha oo sadexan- da'diisa - hooyadiis- darajada ciidan ama mid madani u ku magacaaban-yahay - goobta u xasuuqa ka geystay - magacyada dadka wax-yeeloobay iyo meesha ay wax ku noqdeen .. haddi da'da dhagar-qabaha aad weydaan ku soo qora qiyaas-ahaan

Sida qorshahu yahay dawcadaas waxaa lala tiigsanaya meelkasta oo caalamka ee maxkamad garsoor ah ka furantahay .. waxaad codsigaas ku soo hagaajin-doontaan E-melkaan: [email protected]  oo ay leeyihiin gudigaas.