Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beesha Reer Bicidyaha oo Ka Hadashay Dhiiga Ka Qulqulaaya Garsoor-Gaalkacyo

Friday - September 2, 2011

Ka Timid: Afhayeenka Beesha reer Bicidyahan Ahmed Muse Ali [email protected]

Shir ay qaab teleefoon ah ay beesha reer Bicidyahan ku yeelatay kaasoo ay ka qaybgaleen qaybo ka mid ah aqoonyahanka iyo odayaasha beesha ee ku kala nool dibada iyo dalka gudahiisa waxay kasoo saareen baaqa soo socda:-

a) Waxaanu ka xunahay dagaalka ka socda magaalada gaalkacyo kaasoo uu ku daadanaayo dhiigga dadka walaalaha ah;

b)   Waxaan ku baqaynaa in si sharuud la'aan ah loo joojiyo dagaalka, isla markaasna la kala qaado ciidanka ku dagaalamaaya xaafada Garsoor;

c) In si deg deg ah loo bilaabo wada hadal laga yeesho dhibaatada dagaalka keentay isla markaasna dhibka dhacay lagu xaliyo wada hadal rismi ah;

d) In gurmad deg deg ah loo fidiyo dhammaan dadka shacabka ah ee wax ku noqday dagaaladii magaalda ka dhacay;

e) Beeshu waxay diyaar u tahay in kaalin libaax leh ka qaadato dhigista golol wada xaajood;

f) Beesha reer Bicidyahan waxay tacsi u diraysaa dhammaan dadkii aan waxba galabsan ee dhintay eheladoodii iyo in ilaahay caafimaad siiyo dadkii dhaawacmay.

g) Ugu danbayntii, waxay beeshu uga digaysaa maamulka Galmudug inuusan colaad ka abuurin amase faraha la soo gelin arimaha gudaha dadka ehelka ah ee wada degan deegaamada Puntland.

Ahmed Muse Ali
Afhayeenka Beesha reer Bicidyahan