Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Warkii 5-aad Ee Ku Saabsan Dhiiga Ka Hibiqley-naaya Garsoor- Gaalkacyo

Saturday - September 3, 2011

Gaalkacyo: War khadka isgaarsiinta mar dhaweyd nagu soo gaaray laakiinse aan si fiican xog badan looga hayn qaabka iyo sida u ku rawaxay ayaa lagu sheegay in taliyihi daraawiishta Gobolka Mudug General Maxamed Muuse la dilay .. faafaahinta ayaan dib idin kaga soo sheegi-doonaa

Dhinaca kale sida laga soo xigtay barta hogaaminta dagaalka is-difaaca ee xaafada Garsoor hadda ma jiraan deyaan dagaal iyo xabado digtooda la maqlaayo, waloow meelaha qaarkood ay ka jiraan dhawaaq xabado wiifto ah oo aan la cadeeyn dhinaca ay ka socoto, waxaana carabka loo badinaya in gurmadyadi taakuleynta dhinacyada weli socdaan, iyadoo la xusaayo in boqolaal nafti-hurayaal oo dhaarsani ay so gaarayaan dhinaca dhufeysyada difaaca Garsoor iyo meela ka mida halbolayaasha fars-magaalaha Gaalkacyo, oo si koox-kooxa ay isugu kala bixiyeen aagagaas,,  waxaana illa hadda baaqi lagu yahay maxaa maanta iyo beri dhici-doona, maxaa yeelay sheydaankii walafka oogahayey ee intaa ku waashay Garsoor ma la qabtay, iyo hanaqaadkooda laaya, iminkana mogdisho ku maqan ayaan la aqoon sida u rabo in mooryaantiisa warafka u tuuraan .. war faroolo ka daa laga waayey weerarka aad hayso, garna-qaadan-waa iyo cid kasta oo u ergeysatana u ka hoos qaadi-waayey, hadaba hadey saas tahay wey ka si darin cawaaqib-keedana waa u leefi-doona.

Fiiro Gaara: Wixii War Dheeraad Ah Ama Xog Haya Ha Nagala Soo Xariiro E-melkaan: [email protected]