Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warkii 6-aad Ee Ku Saabsan Dhiiga Ka Hibiqley-naaya Garsoor/Gaalkacyo

Saturday - September 3, 2011

Sida warkii 5-aad aan idin ku soo tabiyey, waxaa si toogasha ah loogu dilay magaalada Gaalkacyo taliyihi Daraawiishta ee Puntland Korneyl Maxamed Muuse ilka-dheere xili u ku sugnaa meel aan sidaas uga si fogeyn daarta xawilaada Al-Amal ee bartamaha magaalada ku taal. 

Sida laga soo wariyey rag shakadeysnaa oo beerka u dhignaa aagaas kana agdhawaa, ayaa sheegay in korneylka iyo maleeshiyaad la socday la arkayey iyagoo aagaas xalac ku leefay, waqtigaas oo ay yiraahdeen si dhuumaaleysi ah ayuu korneylku saanta u rogaayey, waxaana markaasna la socday laba maleeshiyadiisa waardiyeneysa oo iyagana halkaas baas lagu mariyey, waxaa warku intaa ku daraya in raga dilay sarkaalkaas ay ahaayeen kooxo hubeysan oo cida ay yihiin weli cadeysan, amase aan la garaneyn. 

Waqooyiga magaalada Galkacayo ayaa ka jira cabsi iyo wal-wal ku si kordhaya dadweynaha halkaas ku nool, oo kolba u yaacaya meeshi ay nabad u taalo .. colaadaasoo ka dhalatay maamulka madiidnimada qabyaaladu dagtay malaxda maskaxdu jiifto ee faroole oo inta muruq ku faanay ku soo duulay bulshada ku nool gaalkacyo, isagoo ujeedadiisa ay ahayd in magaalada Gaalkacyo gabi-ahaanteedaba la baro kiciyo, dabadeedna xeryo uu wax ka macaasho loo diyaariyo, maxaa yeelay waxaa la arkay kaararkii qaxootiga oo lambareysan oo wiilashiisa NGO-yada haysata ay ku diyaarsanayaan xafiiska aabahood, waxaana mashruuca ay wataan u ka mid yahay qorsho caalami ah oo loogu gogol-xaarayo isirka Somaali oo dhan in loo furo xeryo qaxooti oo dhaxalka dalkooda ku ilaawaan.

Fiiro Gaara; Qof Alaale Qofki Haya Wax Wara Amase Xog Ha La Soo Xariiro E-melkaan: [email protected]