Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

War-Murtiyeed Ka Soo Baxay Beesha Leelkase Ee Minnesota

Saturday - September 3, 2011

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen isimada, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo odayaasha ka soo jeeda beesha Leelkase ee ku nool wadanka Mareykanka, gaar ahaan Minnesota ayaa walaac ka muujiyey dagaalka qaawan ee maamulka Puntland ku soo qaaday xaafadaa Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalkaan waxaa lagu tilmaamay arrin xasuuq ah ka dib markii ciidamada Puntland ay shacabka xaafaddaas degan u isticmaaleen dhammaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayna ku dhinteen Dumar iyo caruur; laguna dumiyey qaybo badan oo xaafadda ka mid ah.
 Dhinaca kale, waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Puntland kala garanwaayo shacabkiisa iyo cadowgiisa uuna ku tilmaamo shacabkii reer Puntland cadowga, isagoo marmarsiinyo uga dhiganaya inuu ku bannaysto dhiiga shacabka.

 Waxaa shirka laga caddeeyey in  maamulka Puntland marin habaabiyey sababta dhabta ah ee dagaalka Gaalkacyo:-
 Xaqiiqda sababta dagaalku waa maamulka oo waji kale u samaynayey warar iyo caddaymo laga helay dadkii beeshu u qabatay dilkii marxuum Nabadoon Xasaan Xuseen (Walloore) taasoo a
hayd in falalka amni darro iyo dilalka qorshaysan ee Gaalkacyo  ay ka soo fuleen shakhsiyaad iyo mas’uuliyiin wadashaqayn la leh  maamulka Puntland.

Hadaba waxaa shirkaas kasoo baxay war murtiyeedka hoos ku qoran:-
1. Waxay beeshu soo dhawaynaysaa baaqyadii nabadeed ee ay soo jeediyeen maamul gobaleedka Gal-Mudug, Beesha Sade, Beesha Reer Biciidyahan, Beesha Xawaadle, Beesha Awrtable, Graadka Beesha Cabdi Ciise iyo  beelaha kale ee samadoonada ah.
2. Waxaa loogu baaqayaa isimada, culumada, iyo waxgaradka Gobalka Mudug in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Gobalka.
3. Waxaa beeshu ku baaqaysaa in dadka walaalaha ee reer Gaalkacyo  xoogga saaraan sidii loo soo celin lahaa xasiloonida iyo nabadgalyada Gobalka  Mudug.
4. Waxay beeshu ugu baaqaysaa DKMG Soomaaliyeed in ay doorkeeda mas’uuliyadeed ka qaadato sidii loo joojin lahaa dhiiga shacabka reer Gaalkacyo.
5. Waxay beeshu ogaysiinaysaa Urur Goboleedka IGAD, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay, iyo Hay’ayada xuquuqul-isnaanka in ay kula xisaabtamaan Madaxweyne Faroole, Wasiirkiisa amniga iyo ku xigeenkiisa xasuuqa ay ka wadaan Gobalka Mudug.
6. Beeshu waxay si qoto dheer uga fiirsanaysaa kasii mid ahaanshaha maamul shacabkiisa gumaadaya.

Waxaa xubnihii war-murtiyeedkaan soo saaray ka mid ahaa:

1. Cabdullaahi Ugaas Maxamed
2. Nabadoon Siciid Axmed Maxamuud
3. Nabadoon Daahir Cigaal Faarax
4. Nabadoon Cali Siciid Surcad
5. Nabadoon Cabdisalaad Xaaji Cabdi
6. Nabadoon Cabdulqaadir Maxamed Axmed
7. Col. Xassan Xaaji Maxamuud
8. Bashiir Ashkir Muuse
9. Cismaan Cigaal Dhoore
10. Caaqil Axmed Cilmi Ciise
11. Maxamuud Sh. Ciise
12. Cabdiraxmaan Jaamac Muuse
13. Cabdinaasir Cali-Daahir Cabdulle Shabac
14. Cabdicasiis Salaad
15. Cali Nuur Cali
16. Bashiir Maxamuud Maxamed
17. Col: Cabdulqaadir Faarax
18. Cabdullaahi Maxamed Xuseen
19. Axmed Muuse Maxamed
20. Xuseen Maxamed Maxamuud
21. Siciid Xaashi Maxamuud
22. Faarax Jaamac Cabbaas
23. Cabdisalaan Cali Barre
24. Cabdi Xaange
25. Axmed Warsame Geesood
26. Cabdulqaadir Yaasiin Geesood
27. Mursal Maxamed Jaamac
28. Cali Salaad Dude
29. Aadan Ugaas Axmed
30. Saleebaan Maxamuud Siciid
31. Cawil Maxamed Jaamac
32. Axmed Maxamed Maxamuud
33. Dr. Maxamed Axmed Aadan
34. Maxamuud Cabdullaahi Yusuf
35. Maxamed Cabdiraxmaan Cabdi Wardheere
36. Cabdiqani Warsame Cagoole