Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nuuradiin A. Cigaal Oo Dhufeyska Galkacyo Ka Soo Diray Dhambaal U Sidi Aarka Guda Guudka Kaga Booday

Saturday - September 3, 2011

Puntland Dhalashadeedi Lagu dhabar jabay Ma Saan bay Dhashay: Dhiig Bax Aan Joogsan: Xaalada Xafada Garsoor.
Maamul Goboleedka Puntland oo dhidibada loo taagay Bishii Agosto1998, waxa uu ahaa Maamul Dad wada dagan ay wada dhisteen kuna wada han weynaayeen in uu wax badan kataro Aayahooda Nololeed ee dambe, Balse sidii loo han weynaa Arinku manoqon ee  Maamulki  lagu tacab beelay  waxuu keenay Dhiig bax aan Joogsi lahayn oo hadana sababo lala sii tacajubay loogu mar marsiyooda.
Dadku waxay Wada Ogaayeen Ciday donaan ba ha ahaadeene Somaali iyo Ajaanibbe  in Maamul Goboleedku la mid  yahay Hal Geel ah oo irmaan Caano Badana leh Maalintii oo kaliyana Godlata Habeenkiina Aanba Dhiiqin, Ayadoo Maalintii mar kay caanuhu Dareerayaan ay  hal Qolo oo gaar ahi ay Maalaan Af iyo Gafuur kiisna ay ka buuxsadaan, Halka Habeenkii oo aysan hashu wax Caano ah dhiiqina ay  Walaalo dadka Deeganka ka  ah ay is ka jugjugaystaan waa intaas oo Alle weyne ugodliyaaye, Waxaan halkaas dheer usoo marayaa in aan Cadeeyo Arin dad badan aan daah ka saar neyn oo ah Cadaalad Xumida ka jirta Maamul Goboleeka Puntland ee lawada dhistay Balse Lakala xigsaday, la is kuna Xasuusqay.
 
Ayadoo Cadaalad darida Degaanadaasi ay gaartey heer aad looga dan qado ayaa Hadana Dadkii Sidaas loo dulmiyey ay noqdeen Kuwa Saabiriin ah oo sabray iskuna Qanciyey in Sabarku wanaagsan Yahay Nabaduna ay Qaali tahay, Balse Arinkii waxa uu noqday Qolooyinkii Cadaalad Xumida Dariska la noqotay in ay intaas ku joogi waayeen oo ay dhaheen Marakana Dhiigiinu sida uu u dhadhamaayo baynu tijaabinaynaa, Arinku  in uu saas yahay ayey san  Dood badni ka taag neyn waxaana Cadayn Buuxda u ah Dagaalka Arxan darada ah ee loo adeegsaday Hubka noocayadiisa halista ah la is kuna soo bahaystay  ee Maalintii Sedexaad lagu xasuuqayo Birmagaydada Beesha Leelkase ee Xaafada Garsoor ee Magaalada Galkacyo.
 
Walow Qabiilada Isbahaystay  ee Magaca Maamulka Puntland soo huwaday ee Dagaalka Gardaradaa soo qaaday ay  doonayeen in ay Dadka Degan Xaafada Garsoor ay
Xasuuqaan ayaa hadana Alle weyne uu ayagii la kulmiyey Jab iyo Hoog aysan  ilaaweyn, ayagoo Aana Xataa Qayb kamid ah Xaafadii ay kusoo duuleen Maanta oo dagaalku Maalintii Sedexaad galay ay san Gacanta ku dhigin waxaana Jilbaha ulaabtay Dadka degaanka oo Naftoodi iyo Maal koodi loogu yimid, Maamulka Puntland oo ay ku cadaatay waxii loo qarin jirey waxay  ku An dacoodeen in ay Degaanadaas Al Shabaab Jogaan Warkaas oo noqday warxumo Tashiil  Caqligu diidey, Waayo Puntland oo idil ayaa Habeen iyo Maalin dadka lagu laayaa Haday noqon lahayd Bosaso, Garoowe iyo Degaano kalaba dadka la dilo waxaa ka mid Ah Xubno Muhiim ah oo Beesha Leelkasa udha shay wax dilayna lama yaqaano Waxaana ugu dambeeyey Dilkii loo Geystay Nabadoonka Beeshas Marxuum Xasan Waloore, Marka waa is ka cadaadatay in Hadalkaas uu ahaa Mid Dhaqanka Suuban iyo Diinteena Islaamkaba ka fog laguna Banaysanayey Dhiiga Dadkaas dulmigooda loo soo tafaxaytay Maamul iyo Qabiil-ba, Loona Muujiyey Cadaawad Fog oo ay san fileyn kadib markii Maatidoodi iyo Goobahoodi Ganacsigaba Kaare iyo Bom Gacmeed ooda looga Qaaday.
 
Guul iyo Sharafba Alle weyne ayey Gacantiisa Ahaadeen Mar walibana nin ka dulmiga wada waa lawada arkaa Asaguuna dib ugu noqonayaa Allena waxa uu Guulaysiinayaa Kuwa kuwa Sabra Qadarta Noqdana kuwa Aan kibrin, hadiiba aan kasoo qaadno in Shacabka Leelkase ee lagu duulay ay arintu salka ku hayso sida ay Puntland ka dhawaajisay in ay yihiin Dad ehlu Diin  Culumo ah Xasuuquna uu saas ku socdo waan Nasri ay Heleen waayo Alle ayaa sheegay in uu Garab taagan yahay Kuwa Diintooda Xaqa ah iyo ka run sheegideeda  loo Dulminayaayo, Hadaan dhinaca kale eeg-no waxaad Moodaa in Raga Madaxda Sheegta ee Degaanada kala duwan ee Somaliya ka kala arimiya ay lasoo shir tageen Siyaasad xumidii sababta u ahayd Dhicitaankii Hoyaamiyayaashii Carbeed ee Shisheeyaha u adeegayey Taas oo ahayd in cidii  Muslimiin ah oo ay rabaan inay dhigooda iyo maal kooda banaystaan ku tilmaamaan Aragagixiso, Halka Somaliyana ay Sanooyinkaan caan ka noqotay Cidii ladoonayo in la ciribtiro in loogu waco Al Shabaab, si arimuhu dhinac walba uga soo fududaadaan, Waa cajiib - Allihii Koonka lahaa waa arkayaa waxa dhacaya iyo sey udhacayaan  siduu Rabuuna Yelaa Rabiga Sareeya.
 
Waxay dad badani la yaaban yihiin waxa sababta u ah in Qabiilka kusoo duulay dadka Degaanka Garsoor/Galkacyo ee Hub iyo Saanad-ba usoo uruur saday ay is kugu kal soonaan wayeen oo ay udhihi wayeen Dagaal Xoogleh ayaa Anagoo Ah beesha Majeerteen aan ku qaadnay Leelkase kadib sababa haas ama sabab la,aan ba , mase waxaa jirta Kalsooni daru iyo Rucbi xag Rabbi ka haysta oo siin waayey in ay is cadeeyaan kana gudbaan  mar marsiiyaha Fashilmay ee Magaca Puntland iyo Al Shabaabka lagu ar kacsado salka ku haya, Waa yaab Somaali oo dhammina waa yaaban yihiin, balse waxaa Alle Mahadiis ah in Dadkoo idil mid dhaw iyo mid dheerba ay ogaadeeen Runta meesha Taal oo ah in dagaal Qabiil oo ladoonayo in Qolo lagu xasuuqo ay Qolo kale soo qaaday Shartiina ayaga alle dib ugu ceshay, waxaa kaloo Alle Mahadiis ah in tooda Badan Qabaa'ilada kale ee Somaaliyeed mar kay runta ogaadeen ay ku dhawaaqeen in ay Qaab kasta ugarab Taagan yihiin Walaalahooda ladulmiyey ee Nabada iyo Diin jaceylka lagu yaqaano,Arinkaasoo cabsi kale sii galiyey Dulmi wadayaasha Garabkooda Alle ka baxay.
 
Anoo Qoraalkayga Qatimaadiisi soo gaarey Waxan umahadnaqayaa intii Aqrisay anoo ka raaali galinaya waxii iga qaldamay ama ay Saluugeen, Qor-madaydu maysan ahayn mid aan ugu tala galay in aan Cid ku maago Ama Colaad ku huriyo ee    Waxay ahayd Mid aan Arimo badan oo ay Kow ka tahay Dulaanka Gardarada ah ee Galkacyo  ku muujinayey, sidoo kalana aan Ku dhiiri Galinayey Nabadda iyo wada nolaan shaha WALLOW aana  Dhahayn Nin ku yiri Waan ku Gowracayaaye Lugaha isku duwo  suusan dhiigu igu firirin  Uhogaan san oo Lugaha is kugu maro,  waayo taas Aadamiga uma cuntami karto Mar-naba,  intii ku dhimatay Dagaalada Xaafada Garsoor ayagoo Naftooda / Diintooda iyo maal kooda difaacanaya waxan Alle weyne uga baryayaa Naxariis Waarta, intii dhaawacana Alle ha usaqiro, Kuwa Dulaanka soo qaadayna magacay rabaan-ba ha wateene  Alle Xukunku ugu talagalay kuwa kibra ee wax dulmiya Allaha waafajiyo.
 
 Nuurudiin Ahmed Cigaal
Galkacyo Somalia 
[email protected]