Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynihi Hore Ee Somaaliya C/laahi Oo Ku Taliyey In Haddi Cid Lala Dagaalayo Lala Diriro Faroole

Saturday - September 3, 2011

War loo qaateena oo aan ka soo xiganay xubno ka mida Odayaasha Jamaamiirta waayo-araga Cumar Maxamuud ayaa la cadeeyey inu dhacay shir talo jilbaha loo laabtay oo looga hadaly taraqa lagu tuuray gogoshi nabada Gaalkacyo iyo waxa dhacaya laga tix-raacyo ayey ka shireen odayaasha beesha Cumar Maxamuud.

Odayaashaas ruug cadaa-yaasha ah oo shirki majliskooda macluumaad iyo war guud halkaas ku kala qaatay, waxaa la is tusaaleeyey in horay tafaraaruq u dhici jiray, hasa ahaate xaaladaani tahay mid lala yaabo oo nabadi sidi tusbax go'ay la moodo, iyadoo bulshadi reer Gaalkacyo ku baraarugeen meydkii oo tira beelay iyo dhawaci oo noqday sidi turaabta, waxay kalo hadalkoodi ku jiray oo ay carabka ku dhufteen in ay tahay wax laga xumaado tiic-tiicada hooyooyinka sey-goodi laga dilay iyo dayaca soo gaaray rajadi ganacsiga gobolka iyo gaar ahaan caruurta agoonta oo si kordheysa.

Shirka oo dhawr maalmood odayaasha u socday maskaxdana ku rog-rogay iyagoo laynka talefonka ku soo xirtay madaxweynihi hore Somaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayey ugu dambeynti isla qaadaa dhigeen in Gaalkacyo xaaladeedi nabadeed dib loogu soo celiyo oo aan lays ku beer-laxaawsan reer hebel iyo irbad qabyaaladeed la isku mudo, iyo hebel difaaciisa aysan reerka hadaamo ku noqon.

Waxaana cod bixinta odayasha goobta gogosha ay isku raaceen in talada qoriga saaran ee Cabdiraxmaan faroole u la yimi ay tahay mid tagoogta reer Puntland iyo gaar ahaan bulshada Gaalkayo bawdada ku jabeyso, waxaana muuqata ayey yiraahdeen nin aan gaari fuuli jirin,geedkii dhaafa ayuu ku wareeraa, sidaa awgeed ayey yiraahdeen Cabdiraxmaan waxuu u muuqdaa xaaladaan nin ku wareeray, waxay kalo odayaal meesha kaga sharqamiyeen in waxyaalada sumcada puntland hoos u dhigay ay ka mid tahay isla tashi la'aan,iyo wixii lagu heshiiyey oo meel mari la' sidaa awgeedna dawgu yahay C/raxmaan faroole in lagu dirqiyo inu magaalada dagaalka u ka joojiyo, nabadana wax ku xaliyo ayey isku raaceen .. arintaana waxaa loo xilsaaray ayaa la yiri Cabdulaahi Yuusuf Iyo Odayaal kale oo beesha ku leh ixtiraam iyo qadarin, isla markaana xiriir wada hadal lala sameeyo odayaasha iyo waxgaradka beesha leelkase si ay u qaataan xasiloonida iyo nabada baadi-goobka loogu jiro oo si miisaaman wax loo qaato, waayo cid waliba nabada waa ka masuul weyse qaybsan-tahay .. waxaan raadineynaa waa bulsho kheyrka wada raadineysa ayey hadalkoodi odayaasha ku soo gaba-gabeeyeen.