Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qoraalo Sir Culus Oo Ku Saabsan Prasaab Faroole Oo Laga Helay Xafiiskii Sirta Ee Korneyl Qadaafi

Sunday - September 4, 2011

War lagu faafiyey bog ay wax ku qorto human rights watch oo iyagu u dooda xaquuqda dadka dulman oo kaga hadleyso qoraalo laga helay xafiiskii sirdoonka korneyl Qadaafi iyadoo ku soo bandhigtay in yar oo ay kaga hadleyso dhambaalo xiriirki wada shaqeynta u dhaxeeyey CIA-da Iyo Korneyl Qadaafi, qoraaladaaso si gaara ay ugu xusan-yihii ereyo iyo hawlgalo lagu dhibaateynaayo dad ka mida mawaadininta Liibiya ee dalal kale laga soo afduubay kadibna lagu ciqaabo xabsiyada libiya gaar ahaan xabsiga sumcada xun ee ku magac dheer Abu-saliim, kaas oo markii gudihiisa dhawaan la galay laguna arkay silici u jirkii iyo caqligi dubaaxsamay.

Hay'ada human right watch oo arintaa si kooban uga hadleysay ayey mithaal ahaan u soo qaadatay ninka la yirahaado Cabdixakiim Bilxaaj oo iminka hogaaminaya ciidamada kacdoonka ee xoreeyey magaalada Tiripoli, isla markaana ka mida golaha sare ee ka taliya liibiya, waxayna ku sheegeen in sirdoonka CIA-da ninkaas ka soo afduubtay dalka Tailand, dabadeedna isagoo si arxan-dara loo soo  jirdilay ayey hadana u soo gacan galiyeen sirdoonka liibiya, oo halkaas mar kale si naxariis dara ah beerka looga xanshiriyey, karbaash iyo karantiil loo getsytay illa u xaga garashada isku daran ka noqday .. Bilxaaj lafahaantiisa mar wax laga weydiiyey afduubkii loo geystay ayaa yiri intaan CIA-da ii soo gudbin Qadaafii, waxaa diyaafad la iga dhigay jirdil iyo ciqaab waxshnimo leh.

Waxaa kalo la sheegay in " scandal-ka" qoraaladaas iyagana laga dhex helay qoraalo ku socda Prasaabka Garoowe ee ku caanka ah magaca Faroole, qoraalkaas oo ka timid Korneyl Qadaafi intuusan dooxa la tagin iyo duruufhi harjadkiisa waqtigaas kaga codsaday faroole inu ku soo taakuleeyo toban kun oo ka mida maleeshiyadi la oran jiray SSDF si ay u caabiyaan una baduugaan kacdoonka ay liibiyiinta wadaan, waxaana qoraalka ku xusan waloow cadadka la magac dhabin in uu u soo diray jawaano joog dheer oo ay ku jireen lacag malaayiin ah oo hawshaas lagu maareeyo.

Prasaabka Garoowe Faroole oo isagu malaha is yiri wax khatal oo hadana yiri: waa ilaah waxaaga wax kuugu dar .. ayaa hadda ka hor ilo-wareed si kutiri-kuteena u tabiyeen in Suuqyada degmooyinka Puntland laga aruuriyey dibjiradi habaqleyn jiray iyo majaaniin carigaas caan ku ahaa oo sidi loo joogay bidhaantoodi la waayey, waxaana loo qaatay in loo qaaday xarmo xanaano lagu dabiibo, laakiin hadda markii warkaanu soo baxay ayaa ragi tuhunka horay u qabay ogaadeen khamaarka u ciyaaray faroole ee u dadkii masaakiinta ahaa ku iibsaday, sida la sheegayo dadkaas illaa hadda meel ay jiraan lama yaqaano, waxaana shakii ka jiraa in lagu midaamiyey meel ka mida gudaha Liibiya ama waa dhici-kartaa ayaa la leeyahay Maafiyada caalamiga xiriirka ay wada leeyihin faroolo ay dadkaas kelyihi iyo beerkii ay kala baxeen oo iyagi oo qalfoofa bada lagu tuuray.

Hadda dareen indhaha lagu taag-taagayo ayaa jira in dagaalka xasuuqa u ku soo qaaday Garsoor-Gaalkacyo u qorshaha ka mid ahaa in dhawacyada dhinacyada dagaalamaya lagala baxo kelyaha iyo beerka siiba markii isbitaalka la geeyo amase isagoo nool haddi la qabto lagala baxo xubnahaas muhiimka ah.