Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Musiibada Puntland/Mudug Waxaa Saldhig U Ah PIS-ta

Sunday - September 4, 2011

                          Musiibada Puntland/Mudug waxaa saldhig u ah PIS-ta
                                                Axmed M. Ciise
                                         [email protected]

Muddo sii horreesay ayaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland wuxuu qeexay noocyada ciidamada ee ku xusan dastuurka Puntland, wuxuuna sheegay in aan PIS-tu ka mid ahayn ciidamada sharciyan ku qeexan dastuurka Puntland. Waxaase layaab ahayd in Gen. Cadde Muuse – oo waqtigaas muddo kasii horreesay ka degay xilka madaxweynenimada – uu yiri: “Lagama hadli karo arrinka ciidanka PIS-ta.”

Haddaba, Md. Gen. Cadde iyo Md. C/raxmaan-faroole, aan idin weyddiiyee:

1. Waa maxay baahida ku kallifaysa Puntland inay yeelato ciidan sirdoon (intellegence service)?

2. Haddii PIS-tu tahay ciidan sirdoon, maxay tuutaha milleteriga u qabaan oo qoryaha u sitaan, oo dagaallada u galaan?

3.Puntland soow ma laha daraawiish, boliis, ciidanka xabsiyada? Miyeysan sugi karin amaanka Puntland?

4. Puntland ma waxaa ku yaal xeryo iyo mucaskarro lagu tababaro ragga aad u taqaannaan ‘argagaxisada’?

Dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan in PIS-ta (Ashahaado-la-dirir) iyo kuwa la midka ah – meel ay joogaanba – in ay yihiin uur-kiraaleyaal dhiigya-cabbo ah (death squads). Beri hore waxaa iyaga oo kale laga aasaasay dalal ah Latin America, sida Chile, Argentina, Colombia, iyo kuwo kale. Kumannaan qof ayey si qarsoodi ah u khaarijiyeen, oo in badan oo ka mid ah aan xitaa meydkoodii la helin. Waxaa adeegsaday keligi-taliyeyaal dalalkaas xukumi jirey una adeegi jirey danaha reer galbeedka.

Waxaa shaki la’aan ah in PIS-tu tahay shabakad xiriirsan ilaa heer caalami. Wiilasha tuutaha xiran waxaa kasii badan inta qarsoon ee u qaabbilsan xiriirka caalamiga ah, maalgalinta, iyo hawlgalinta muuqata iyo tan qarsoonba. Waxaa u shaqeeya dadka intii ugu liidatay ee ugu shar badnayd ee ay ka dhammaatay Islaamnimo, naxariis, damiir, iyo danqasho. Ujeeddada loo sameeyey ma aha inay la dagaallamaan waxa loogu yeero ‘argagaxisada’. Waxaa loo sameeyey in xilligan dowlad la’aanta ah aysan dadku helin fursad iyo nafis ay ku bartaan oo ku dhaqmaan diinta Islaamka. Marka, qorshuhu waxaa weeye in la khaarijiyo qof kasta oo ku lug leh faafinta diinta, sida macallimiinta dugsiyada Qur’aanka, imaamyada, culimada duruusta bixisa, iyo qof kasta oo maalkiisa iyo waqtigiisa u hura diinta Alle. Yaa xasuuqay culimadii Tabliiqa? Yaa tacshiiradda huwiyey dadkii masaajidda ku dhex cibaadaysanayey? Yaa har iyo habeen gowraca culimada iyo macallimiinta – gaar ahaan kuwa maganta ah ee miciinka iyo gabbaadka u yimid Puntland – ee sida nabadda ah dadka u bara diinta?

Ma la hubaa in aan PIS-tu mas’uul ka ahayn dilalka qorshaysan ee galaaftay waxgaradkii, nabad-ka-taliskii, iyo maalqabeenkii Puntalnd, gaar ahaan reer Mudug?

Madaxda Puntland ama si toos ayey ugu lug leeyihiin waxa PIS-tu ka waddo Puntland, amase way ogyihiin – laakiin waxaa ay awoodi waayeen daacadnimadii, kartidii, iyo raganimadii ay ku wajihi lahaayeen.

Dilalka qorshaysani waa musiibo qoto dheer oo cadow arxan daran uu soo abaabulay. Qofka Puntland joogaa wuxuu ku nool yahay cabsi iyo berri nolol ma ku gaari doontaa. Kii dibadda joogay ee dalka wax u qaban lahaa amase maalgalin lahaana, wuxuu ku jiraa xaalad walaac iyo hubaal la’aan.

Reer Puntland/reer Mudugoow, ka tashada PIS-ta iyo inta la hal-maasha – inta aan xeero iyo fandhaal kal dhicin.

Axmed M. Ciise