Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Shirka Gaalkacyo

Monday - September 5, 2011

Boorama (Harowo) - Waxa Maanta Galinkii dambe ka bilaabmay magaalada Boorama waan-waan lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya gudidida qabanqaabada soo dhaweynta Ugaaska Beelaha Samaroon iyo kooxo isku bahaystay inay baajiyaan imaatika Ugaas ee magaalada Boorama.
Waan-waanta ayaa waxa hormood ka ah culimada magaalada Boorama oo uu hogaaminayo Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, iyada oo sida aanu ka helay ilo xog-ogaal ahi sheegeen inuu durba caawo bilaabmay shirkii ugu horeeyay oo lagu qabtay guri ay ku shriraan gudida soo dgaweynta Ugaasku.

Ilo wareeyadan, ayaa waxa kale oo ay noo sheegeen in shirarka dhex dhexaadinta ee culimadu, habeena ay marti qaadi doonaan gudida soo dhaweyntu, habeenka xigana ay marti qaadka fidin doonaan isbahaysiga Ugaas diidku.

Waxa kale oo ay ilo wareeyadu intaa ku dareen in shirarka dhex-dhexaadinta ee culimadu ay socon doonaan ilaa iyo Arbacada soo socota, iyada khamiista iyo wixii ka dambeeyanaya la filayo inuu Ugaasku Boorama yimaado.

Is-dhiibka lama filaanka ah ee kooxaha Ugaas diika, ayaa wuxuu ka dambeeyay shalay ka hor intii anaay shirkooda jaraa’id qaban inay wadaadadu u soo badhigeen inay jecel yihiin inay dhex-dhexaadin ka galaan khilaafka ugaaska, xal lagu wada gancona ka gaadhaan.

Barnaamijka ay wateen culimadu, ayaa waxa shalay subaxnimadii gaashaanka ku dhuftay kooxaha Ugaas diidka ah, waxaanay qabsadeen shirkoodii jaraa’id, iyaga oo halkaa ka sheegay hadalo isugu jira bootayn, hanjabaad iyo dardaaran, iyada oo dhinaca kalena aanay xidhin albaabkii wada hadalada.

Shir ay shalay galinkii dambe isugu yimaadeen culimadii waan-waanta waday, ayaa sida dad ku dhow culimada noo xaqiijiyeen waxa la go’aansaday in berito jimcaha masaajiid magaalada Boorama oo dhan laga Habaaro kooxaha Ugaas diidka ah, shacabka magaaladana laga hor keeno hadii ay si deg deg ah uga taasuli waayaan mowqifka adag ee ay qaateen.

Saaka subaxnimadii, ayaa sida la sheegay ergo ka socota isbahaysiga Ugaas diidku waxay culimada ku wargaliyeen inay “wada tashi iyo isxisaabin badan ka dib ay hada diyaar u yihiin dhex-dhaadintooda”, taasi oo ay culimaduna gacmo furan ku soo dhaweeyeen, halkaana ay isku dhiibeen salaadiintii iyo odayadii kale ee laabta iska tumayay.

Qurbajooga taageera kooxaha Ugaas diidka ah, ayaa niyad jab ka qaaday sida sahlan ee ay isku dhiibeen salaadiintii iyo odayadii kale ee is-xoogaafayay, waxaana bilaambay olole khadka telefonka ah oo lagu dhiiri galinayo inay dhabar adaygaan, iskana caabiyaan nabadoonka culimada, taas oo sida muuqata ay hormoodka Ugaas diidku ilaa hada iska dhego tireen!

Xaalada magaalada Boorama, ayaa cirka isku shereertay maanta ka dib markii laga war helay inuu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici amar ku bixiyay in ciidanka ilaalada xeebaha galbeedka Awdal la soo dhoobo magaalada Boorama. Dhaqdhaqaaqa ciidamadan oo uu sida la sheegay wato taliyihii Ina Xudhuun lagu bedelay, una badan beelaha dhexe, ayaa dareen xoogle ka kiciyeen magaalada Boorama, iyada oo shaki weyn laga qabo in lagu cabudhiyo xoogaga taageersan Ugaaska Beelaha Samaroon.

Dhinaca kale, wararka la xidhiidha dhaqdhaqaaqa ciimada Saylici wato, oo shaki xoogle galyay beelaha taageersan Ugaaska, ayaa waxa jira warar isa soo taraya oo ka imanaya dhinaca Itoobiya, kuwaas oo sheegaya in maleeshiyo beeleedo la yidhi waxay sugayaan amaanka ugaasku ay isku urursanayaan dhooxada Harowo iyo meelo kale oo ka mid degaanka Gadabuursiga Itoobiya.

Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa iyaguna sida laga dareemayo kala raacsan xoogaga isku haysta imaatinka Ugaaska. Dawlada Jabuuti, ayaa iyadu maal iyo muruqba aan waxba kala hadhin taageerada kooxaha diidan ugaaska. Waxa dhawaan soo shaac baxay warar sheegaya in saraakiil sarsare oo ka tirsan sirdoonka Jabuuti in dhawr biloodba ay ku sugnaayeen gobolka Awdal, gaar ahaana Boorama, halkaas oo ay ka samaysteen xarun sirdoon oo ay ka hagaan hawlaha lidiga ku ah imaatinka Ugaaska iyo dhulbalaasiga ay ka wadaan dhulka loo yaqaan “Gubanka”.

Salaadiinta hogaaminaysa mucaaradka Ugaas, ayaa sida la ogyahay socdaalo qarsoon iyo kuwo kaleba ku tegay magaalada Jabuuti, halkaas oo la tuhunsan yahay inay ku soo galeen balan qaadyo ay ku diidayaan soo noolaynta Boqortooyada Gadabuursiga. Waana arimahaas ayay dadka qaar leeyihiin kuwa soo murginaya khilaafka ku saabsan ugaaska, waayo hadii gacan shisheeye meesha ku jirto, way adkaanaysaa sidii xal waara loogu heli lahaa arintan.

Dawlada Itoobiya, ayaan iyaduna dhinaceeda yaraysan taageerada ay u fidisay Ugaas cabdirashiid Ugaas Doodi, waxaana laga dheehan karaa laxaadka taageeradeeda soo dhaweyntii uu Ugaasku Kala Kulmay magaalooyinka Addis iyo Jigjiga. Waxaanay Itoobiya sida la sheegay ku balan qaaday hadii ay Somaliland sugi weydo amaanka ugaaska inay iyadu soo raacin doonto ciidan ku filan oo ilaaliya.

Si Kastaba ha ahaatee, marka la eego xaraarada magaalada Boorama oo cirka isku shareertay, dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyada is urursanaya, taageerada Itoobiya ee Ugaaska, ka war helida sirdoonka Jabuuti iyo hawlaha ay ka wadaan G/awdal, cadaadiska Salaadiinta Ugaas diidka ah kaga imanaya Qurbajooga Awdal iyo dadaalka culimada Boorama, ayaa maraka waxyaabahaa oo dhan la isku dhufto, waxa dhici karta in wiiga dambe xal loo helo khilaafka imaatinka Ugaaska Cabdirashiid Ugaas Doodi.

Waana ta keentay ayay leeyihiin dadka falanqeeya siyaasadaha beelaha Samaroon inay si dhib yar maanta isku dhiibaan qamaamiirtii loo hanweynaa inay baajiyaan imaanka Ugaaska.

Harowo Desk, Boorama