Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Beesha Fiqishini Oo Baaq Nabadeed Soo Saartay

Monday - September 5, 2011

Beesha Fiqishini oo baaq isku mid ah ka soo saartay dagaalada ka socda Gobolka Mudug.

Kulan aad u balaaran oo beesha reer fiqishini ee deegaanada Hawd iyo Nugaal ee waqooyiga Somalia, ku yeesheen magaalada london ee wadanka Ingriiska, ayna khadadka taleefoonka kaga soo qayb galeen bulshada qaybaheeda degan gudaha wadanka, north- America, Australia, carabaha iyo wadamo ku yaala qaarada Africa, ayna kaga arinsanayeen xaalada guud ee wadanka iyo tan deegaanada beeshu degto, ayay wax laga xumaado ku tilmaameen dagaalada soo noq-noqday ee ka dhacaya gobolka Mudug kuwaas oo u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee isku danta iyo deegaankaba ah. 

1) Beeshu waxay ka xuntahay in xukuumad maamul sheeganaysaa ay dagaal arxandaro ah ku qaadaan beel ka mida beelaha maamulkooda, iyagoon u kala aba-yeelayn xasuuqista Caruurta, Waayeelka, Wax-garadka iyo Haweenkaba; waxay kaloo beeshu cambaaraynaysaa in beel ka mida beelaha deegaanka loogu yeero magacyo xun-xun oo ay Argagixiso ka mid tahay, iyadoo ujeedada ka danbaysaahi tahay inay fasax u helaan si ay xasuuqooda u sii wataan; waxaan filaynaa in arintaasi tahay arin foolxun oon loo baahnayn.

Soomaalina waa is taqaanaa, reer galbeedkii magacan soo saarayna iyagii baaba ka xishooda xiligan lagu jiro. Sidaa awgeed beesha Fiqishini waxay soo jeedinaysaa in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dhiigan muslimka ee la daadinayo bilihii barakaysnaa, waxayna maamulka Puntland ugu baaqaysaa inuu ciidamadiisa kala baxo xaafadaha Garsoor, joojiyana xasuuqa arxandarada ah ee uu ku hayo beesha halkaas degan; degdegna loo xaliyo khilaafkan oonan xabad xal la moodin ( Ragi Walaalow waxuu ku dhaamo la waa). Sidoo kale beeshu waxay ka tacsiyaynaysaa intii naftooda ku waayey dagaalkan inta dhaawaca ahna in illaahay caafiyo ayaan u baryaynaa. 

2) beesha reer Fiqishini waxay sidoo kale wax laga wiswiso ku tilmaantay dagaalka soo noqnoqday ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee kala taageersan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo maamulka Galmudug, ee isla gobolkan Mudug; waxaa la isku dilay dhul daaqsimeed iyo ceel biyood kuwaasoo beelahani hore u wada daajisan jireen una wada cabi jireen, imisa Wiil baa ku dhintay ma lagaran waayey wada-dega oo wada daaqa oo wada Caba.Miyaysan beelahani ogayn in abaaraha dhulka ka jira awgood xoolihii reer kismaanyo daaqayaan Beledweyne, kuwii Hargeysana daaqayaan Garoowe.Dhiiga muslimka ee sida kibirka ah loo daadinayo, waxaa xaqiiqo ah in cadaabtiisa la dhadhamin doono. 

Waxaanu labada maamul ee sheegtay inay beelahooda masuulka ka yihiin u soo jeedinaynaa inay si degdega u xaliyaan khilaafkan iyo colaadan beelaha soo kala dhex gashay, maamul walbana qaado masuuliyada beeshiisiisa, haduusan qaadi karina ka dego xilka oo ninkii wadi kara ku wareejiyo, balse aanan dib loogu dulqaadan waxan meesha ka dhacaya. Beelaha deegaanka ee dhalashada la wadaaga labadan beelood waxaa xil ka saaran yahay inay gogol nabadeed u fidiyaan labadan beelood, sida ugu dhaqsiyaha badan, kana shaqeeyaan sidii ay u soo af-jari lahaayeen daadashada dhiigan soo noq-noqday. Beel ahaan waxaanu diyaar u nahay ka qayb qaadashada xal u helista khilaafkan ( dagaal Wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho).Waxaanu sidoo kale ka tacsiyeynaynaa intii dagaaladan ku geeriyootay, inta dhaawaca ahna waxaan ilaahay uga baryaynaa caafimaad ..  Afhayeenka Beesha YurubQasim A [email protected]