Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xaaladaha Dagaal Ee Galgala Iyo Garsoor-Gaakacyo Waxba Is Kama Quseeyaan By N/diin A. Cigaal

Monday - September 5, 2011

Anigoo ah mid ka mid ah Dhalinyarada Xaafada Garsoor ee Magaalada Galkacyo  isla mar kaasna Arday ka ah Iskuul kamid ah kuwa Xaafadaas ku yaala ayaan Jeclaaday in aan  Qoraal yar aan ka iraahdo Hadal ay Adeegsanayaan maal mahaan oo ay kusoo cel celinayaan  Qaar ka mid ah Siyaasiinta Calooshood ushaqaystayasha ah ee Puntland, Hadalkaas oo ah in  is ku mid laga dhigo ama la is ku xiro Xaaladahii dagaal ee  dhawaanahaan soo kala wajahay Degmada Galgala iyo Xaafada Garsoor, Ayagoo dhahaya Aragixiso ayaan la dagaalaynaa Labada dhinacba.
 
Runtii Markii dhinac kasta laga fiirsho Arimahan ma ahan kuwo meel na is kaga mid ka ah, Labada dagaal ee degaanadaas soo kala wajahay waxay kala ahaa yeen Dagaalka Degaanka Gobolka Bari Ee Galgala oo ahaa dagaal Urur ay wadeen ayaguna ay cadeeyeen Ayagoo lahaa Hogaamiye Dimeed oo lagu Magacaabo Shiikh Mohamed Atam nin kaas oo cadeeyey in uu Dagaal kula jiro Maamulka Faroole oo uu eedaymo kala duwan  usoo jeedshay isla markaasna uu cadeeyey in ay yihiin Urur Dimeed Islaamiyiin ah, Sidoo  kale Urur kaas waxa uu ahaa Difaac iyo weerar labada ayagoona ku han weynaa in ay Xataa Bosaso iyo Degaanada  kale ee Puntland ay qabsadaan Shareecada Islaamkana ku Dhaqaan waa sey ayagu shegeene, Urur kaan Galgala joogay waxa uu lahaa Taliye Ciidan kasakow Shiikh Atam oo asagu ahaa Hoyaamiyaha Guud ee Ururka.
 
Halka Markaan dhinaca Dagaalka Garsoor eegno ay cadahay in uu Yahay Dagaal Qabiil oo u dhaxeeya Laba Belood oo walaala Gobolkana wada daga Tuhun badan iyo kala shakina uu ka dhex jirey Mudooyinkii udambeeyey,balse Beel kamid ah Beelaha Dagaalamayey oo ah Beesha Dulaanka soo qaaday ayaa Ayagoo Adeegsanaya Magacii Maamulki lawada dhistay ee Puntland  waxay is tusiyeen Siyaasad ah in ay Magaca Maamulka Dhankooda dagaalka u is ticmalaan sidoo kalena Qabiilka ay ku duulayaan si uu unoqdo looma oyaan ay ugu Yeeraan Argagixiso Gaar Ahaan Al Shabaab, Taas oo Alle Fadligiis markii dambe noqotay mid Fashilmatay oo lagu ceeboobay waxaana cadayn u ah markii ay Dhinacii Beesha Dulmiga waday ay dheheen Galmudug ayaa Beesha Xaafada Garsoor tageeraya Cajiib Adaan ku weydiiyee Aqristow  Madaxweyne Caalimka Galmudug oo ah nin lawada-yaqaan siduu unicib yahay Aragagixiso iyo waxii la hal maala matageeri lahaa Al Shabaab, Waaba Haday Galmudug  Beesha degta Garsoor Tageertaye.
 
Hadaba Hadaan Ciwaanka Qoraalkayga  sii dhex galo Waxaan dhihi karaa Labada Xaalad Dagaal ee soo kala wajahay Galgala iyo Garsoor wax ka dhaxeeya oo aan ka ahayn Xaraf-ka ( Ga ) oo ay ka simanyihiin in uu Magacoodu ka bilowdo majirto, waayo Labada dagaal  waxay kala yihiin  Dagaalna waa mid Qabiil oo kan Garsoor dagaalna waxuu ahaa waaba la wada ogaa,  waxaan  kuugu cadayn in uu arinku saas yahay  dagaalka Galgala Dagaal urur Dimeeed Argagixiso lagu tilmaamay lagula dagaalayey mudana lasoo qaban qaabinayey buu ahaa, Ururu kaas lala dagaalayey Taliye Ciidan iyo  Ciidamo tababaran bay lahaayeen  oo idaacadaha laga wada maqlay Xataa Afhayeen u hadla bay haysteen dhinaca Warbaahinta, Halka Dagaalka Garsoor uu ahaa mid Halmar Beeli beel kale kusoo duushay si kadis ah Xasuuqna ka geysatay Xaafadii ilaa ay Caruurihii iyo Hooyooyinkii Guryahii ay ku jireen Taangi ku qaraaceen sidoo kale Dhulka soo dhigeen Goobo Ganacsi  Bililiqo Baahsana ay Geysteen oo ay xataa Isbitaalkii Cafin waayeen, Arinta Garsoor in ay Qabiil Tahay waxaa kuu cadaynaysa Waxa dagaalamaya waa dhalinyaro Qabiileed  oo aan lahayn Hogaamiye horkaca Ama Xataa Taliye Ciidan haba Sheegin Afhayeen idacadaha uga hadlee, Marka waxaan dhihi karnaa waa is ka cadahay in labada Arimood wax is ka quseeyaa ay san jirin, balse dad dano Aargoosi raba ay isku xirayaan si hawshu ugu sah lanaato.
 
Waxa kaloo cadayn u sii ah in aan Garsoor Al-Shabab joogin ee dagaalku mid qabiil yahay Hadalada hal mar si is wada jir ah uga soo yeeray Nabadoona, Odayaasha iyo Siyaasiinta Beesha lagu duulay oo xataa Qaarkood Wasiiro, Gudoomiyayaal iyo Xildhibaano ka ah Maamulka Puntland ayagoona dhammaan Ay Masuuliyiintaas idaacaha si wada jir ah uga   shegeen in Dagaalku mid qabiil oo Gardaro iyo dulmi ku salaysan yahay, sidoo kale Dhammaan Dadka magaca ku leh Qabaailada kale ee Somaaliyeed ayaa ayana cadeeyey in Dagaalku mid Qabiil yahay lana joojiyo oo la wada hadlo, Hadaba hadii Runtu   saas tahay Waxaa la oran karaa Hogaamiyaasha Puntland ka tirsan ee Madaxweyne Faroole ugu Horeeya ha joojiyaan Hadalda ah  Galgala ayaan Argagixiso kula dagaalnay Garsoor-na waa la mid hadii kale arintu waxay cadaynaysaa in Dulaanka  Qabiil ee lagu soo qaaday  Beesha Leelkase uu yahay mid lagu soo heshiiyey lana doonayo in uu sii socdo wakh tiyo kale, Colaadunu sii hurto.
 
Anoo Qoraalkayga Qatimaadiisi soo gaarey Waxan umahadnaqayaa intii Aqrisay anoo ka raaali galinaya waxii iga qaldamay ama ay Saluugeen, Qor-madaydu maysan ahayn mid aan ugu tala galay in aan Cid ku maago Ama Colaad ku huriyo ee    Waxay ahayd Mid aan Arimo badan oo ay Kow ka tahay Dulaanka Gardarada ah ee Galkacyo  ku muujinayey, sidoo kalana aan Ku dhiiri Galinayey Nabadda iyo wada nolaan shaha WALLOW aana  Dhahayn Nin ku yiri Waan ku Gowracayaaye Lugaha isku duwo  suusan dhiigu igu firirin  Uhogaan san oo Lugaha is kugu maro,  waayo taas Aadamiga uma cuntami karto Mar-naba,  intii ku dhimatay Dagaalada Xaafada Garsoor ayagoo Naftooda / Diintooda iyo maal kooda difaacanaya waxan Alle weyne uga baryayaa Naxariis Waarta, intii dhaawacana Alle ha usaqiro, Kuwa Dulaanka soo qaadayna magacay rabaan-ba ha wateene  Alle Xukunku ugu talagalay kuwa kibra ee wax dulmiya Allaha waafajiyo.
 
                  Nuurudiin Ahmed Cigaal - Galkacyo Somalia  [email protected]