Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xasuuqi Dhicisoobay: Tii Alle Iyo Faroole Oo Iskhilaaftay .. By Ahmed Girdho

Monday - September 5, 2011

Horaan baa waxaa caasimada Garowe si xushmad iyo qadarin leh loogu soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug Caaliin. Shirkaas oo korka heshiis nabadeed iyo saansaan walaaltinimo ka muuqato baa waxaa hoos tiilay mu’amarad weyn oo Faroole&PISta mudo ka guuxeysay oo dhinacyo badan leh oo hadba geeskii loo rogaa u fiicnaa. Mid waxay aheyd sidii beesha Galmudug looga saari lahaa qowl iyo ficilba dagaal beeleed ay Faroole&PISta  u dajiyeen waqooyiga Galkacyo. Markaas Faroole&PISta  waxaa u dagaan nidaam ah in beelaha waqooyiga Galkacyo la isku hub siiyo oo colaad khuldi iyo maguurta ah la dhex dhigo. Beelaha waqooyiga Galkacyo waa umad wiligeed isir iyo ood wadaag ahaa, xiriir hoose iyo mid daneedba alla dhex dhigay. Xiriirkas qadiimiga ah baa lagu xalin jiray wixii dhib ah oo labada beelood kala gaara ayada oo odayaasha iyo nabadoona hadba meeshii wax ka dhacaan xal kama danbeys ku gunadi jireen. Dagaal beeleedkaas baa Faroole islahaa kursigaaga ku ilaalso, PIS-tuna ay daneyneyso in wixii gar leh oo aan u dhalan majeerteenka loo iibgeeyo suuqa ‘argagixisada’ ee eeraboorka Galkacyo iyo Garoowe ka furan oo Ethiopian-ka iyo American-ka un ka adeegtaan. PISta oo badashay warlordii Xamar laga saaray ayaa bilaabay mashruucii ka dhamaaday koonfurta oo dad masaakiin ah oo malcaamadaha iyo meelaha shifooyinka maalin cad xoog iyo qori caaradiis ku jiitaan. Qaarna wadada bey ku leyn jireen ayaga oo dhaha dagaal baan ku dilnay, qaar xubnaha bey kala bixi jireen, qaarna waa shaqshaqi jireen, ka nasiibka darana waa mid asaga oo bad qaba in dadyow kale loo dhiibo oo meel uu cirib iyo jaan dhigay la garaneyn.

Dad ganacsato ah oo reer Mudugna oo islahaa fursadaan uga faa’ideysta in ganacsiga xowliga ku socda iyo dhaqdhaqaaqan ka jira Garsoor ku damiya beebayaal Boosaaso iyo Garowe laga keenay baa ayaguna jiray. Ayagu waxay ka cabsi qabeen oo amineen howlaha ganacsi oo baaxada leh in ay lid ku tahay quwadooda iyo mustaqbalka gobolka.  Arintaan xasadka iyo naceybka ku dhisan waxaa la rabay in looga sal gaaro isticmaalka ‘kaarka argagixisada.’ Macniyan dagaalkii argagixisadu waxa uu ku saleysan yahay in yool siyaasadeed lagu gaaro ayada oo la isticmaalayo aalado takhwiif watarhiib sida walxaha qarxa ama leynta shicib aan siyaasad iyo dhib geysan. Shicib Garsoor ab iyo isirna loogama baran in ay siyaasad risqi ka raadiyaan iska daa in ay qori caaradiis ku raadiyaane. Hadii sifadaana ‘argagixisadu’ si fiican loo dheehdo waxaa ay ku soo laabaneysaa isla dadka magacaan ku rabay gunad in ay uga helaan wadama shisheeye ayaga oo dano gaar ah ka wata. Waxay xasuuqeen maato oo guryahooda ku jira oo ciyaalkooda caano afka ugu hayo. Waxay isticmaaliin hub casri ah, waxay geysteen burbur baahsan, inta ku dhimatayna ilaa hadeer tirintoodu waa socotaa.  Faroole&PISta  waxay isku heleen lacag iyo siyaasado guracan oo ayaga qaas u ahaa. Qofkii si aad u baaro inta meel uu Faroole&PISta u adeegsadeen ‘kaarka argagaxisada’ in ay ku taxaluqdo dano gaar iyo qabiilo gooni ah sida dhul kheyraad ah, meel strategy-ah, dhul lawada dego, iwx.

Faraqa PISta Galkacyo

 Maalintaa Madaxweyne Caalin loo yeeray Faroole&PISta qorshahoodu waa daganaa laakiinse dadkii Galkacyo faja’ bey ku noqotay oo banaanbax weyn baa ka dhacay magaalada maadaama shicibka iyo odayaasha aan lagala tashan heshiiskaas. Faroole&PISta  yoolkoodu wuxuu ahaa sidii ‘kaarka argagixisada’ loogu xalaalsan lahaa deegaanka, ganacsiga, maaliyada, iyo hantida beesha Leelkase ee xaafada Garsoor. Si arintaa guracan loo dhaqan galiyo baa Faroole&PISta  faraq dadyow iyo masuuliyeen mu’amarada guracan oo ka soo fula madaxtooyada ka furtay Galkacyo. Faraqaasna waxa uu bilaabay daandaansi qayaxan oo beelaha Mudug la iskugu diro. Faraqaas baa wuxuu si qiyaasan u beegsan jiray dadka magaca iyo sumcada u saaxiibka oo labada beel ka dhashay. Faraqa Galkacyo baa u xilsaarnaa xulashada dadka la laayo iyo maaliyada ku baxeysa ayada oo qofba qadarkiisa in le’eg lacag lagu qaato. Dilka waxaa fulin jiray dad meelo kale ka yimid si hadii camalka lagu qabto ama ku dhintaan aysan qabiil u yeelan. Faroole&PISta sharkii ay la damacsanaayeen Mudug wuxuu fulay hal maalin. Faraqa PISta Galkacyo baa nin wadaad, miskiin, hadana wanaag caan ku ah magaalada hadii ay kala baxeen dilay. Wiliba waxay u dileen si ka baxsan Islaanimada iyo Soomaalinamada. In qof dhintay la shaqshaqo oo suuradiisa la qayiro bacdal mowt waa arin foolxumo iyo xasad ku dheehantahay. Markaas baa dadkii wadaadka ka dhashay ayaga oo caro dhakada ka lulato nin kale oo ganacsade caan ah oo markaas waxna galabsan aano qabiil u dilay. Arintaas baa dagaal cad oo qabaliya isku badashay. Ilaahay tiisa baa qaalib ahe Faroole&PISta  say rabeen noqon weysey.

Nuurkii Sedexda Bil

Nin daacad ah oo markaas is KMG loogu magacaabay in uu gudoomiyo gobolka baa arintii xaliyay asaga oo waxgaradka, odayaasha, iyo nabadoonada kaashanaya. Dadaalka iyo daacadnimada Cuuke waxay kaliftay in uu xataa damaanad qaado  wixii mag iyo qarash ah. Arintii meeshii baa lagu afjary, thowrad yar oo barakeysan baa sadex bil ka curatay ayada oo dhalaan iyo ciroolaba shirar isdaba joog ah oo muxabo iyo kalgacal ku dheehan Mudug ka hana qaaday. Faroole&PISta  arintaas waxay ku abuurtay naxdin hor leh iyo cabsi weyn oo waxay is wiidiiyeen war sidee bey meeshii aan sharka iyo mugdiga la rabnay nal iyo nabad uga curataa. Gudoomiye Cuuke oo ka mid ahaa nin Mudug ka taliyo ninkii ugu nasab iyo nasiib badnaa oo mudo yar alla howshiisa barakeeyey oo geed gaaban iyo mid dheerna u fuulay nabada baa maaliin cad la casilay asaga oo wiliba la yiri ‘shaqadii buu gudan waayay’. Yacni shaqadii uu Cuuke qaban waayey waa tii Faroole&PISta .

Dilkii Nabadoon Waloore

Mu’amaradii Faroole&PISta  ayada oo sidii u taagan oo qorshahoodu yahay sidii dagaal baaxad leh ugu qaadi lahayeen Garsoor baa waxaa dagaalkaas soo dadajiyay dilkii nabadoon Waloore. Dilkaas xaqdara ahaa baa waxa uu sabab u noqday fashilaadii ficilada guracnaa oo ay Faroole&PISta ka wadeen faraqii Galkacyo uga furnaa. Dadkii loo soo qabtay ficilkaas baa cadeeyey howsha meelaha ay ka soo fusho, dadka lacagta bixiya, iyo dad badan oo carigaas laga yaqaano oo arintaas ay ku cadaatay. Cadeymihii baa raadkoodii galay madaxtooyada Garowe ayada oo aan leexasha laheyn. Faroole&PISta  waxaa soo gaaray dilkii marxuumka ka bacdi labo jab oo kala daran; mida koowaad ayaga oo dagaal beeleedkii laga diiday oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen, iyo mu’amaradii dilka oo magaalada ka harsan weysay oo faraqii Galkacyo iyo madaxdooyada  galay.

Dhaqangalintii Xasuuqii Garsoor

Markii Faroole&PISta heshiiskii Galmudug meel ku soo ogaadeen oo u badnaa iskaashi dhexmaraya xaga amniga labada maamul baa waxay u tafaxeyteen dowlada federaalka sidii heshiiskii Galmudug oo kale loola gali lahaa. Gundhiga daahsoonaa baa wuxuu ahaa in ay Galmudug hoyi iyo hub ka helin dadka la damacsanaa in la xasuuqo. Farmaajo oo xilka federaalka hayay markii sida xun ay u rabeen in heshiiska ay galaan baa qorshihii Faroole&PISta laf timir ku jirta ku noqday.  Fursadii uu ka waayay Farmaajo waxaa uga dhabeeyey raiisul wasaare Gaaz. Heshiiskii Gaaz iyo Faroole ee lagu saxiixay Garowe baa wuxuu ahaa furo rogidii ay Faroole&PISta u baahneyd. Faroole&PISta waxay damaanad ka heleen dowlada federaalka in Puntland hadii ay isticmaasho ‘kaarka argagixisada’ in ay dagaal beeleed ku qaadi karto xaafado shicib iyo maato dagantahay, bal waxaa loo balan qaaday in laga saacidayo xaga qarashaadka iyo qalabka. Dowlada federaalka waxaa kaloo lagula balamay in ay dagaalkaas ka hadlin oo soo faragalin. maalintii labaad ee xasuuqii Garsoor sodon qof ku dhimatay radiomuqdisho.com waxaa ku qornaa warsaxaafadeedkii dowlada Puntland taa oo ayku qorneyd in dagaal beeleedku u dhaxeeyo Puntland iyo argagixiso lagana ciribtiri doono. Xasuuqii Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay hubkii iyo ciidankii wax ka soo galbiyey raiisul wasaare Gaaz ayada oo la leeyahay inkastoo aan cadeymo u ahayn dagaalka ‘green light’ asagaa bixiyey. Gaaz safarkii dhulka ee Garowe ilaa Galkacyo bulshada Mudug oo dhan wuu la kulmay intaan ka aheyn beesha la damacsanaa in la xasuuqo.

 Heshiiskaan ka bacdi, baa Faroole&PISta  waxay ay xireen wada walba oo gasha kana timaada Galdogob ayaga oo dhoobay wadooyinkaas ciidamada PISta si gurmad iyo gaashaanba uga imaan beesha xasuuqa loo qoray ee Garsoor se alla idmin. Jidgooyadaan ka dib baa magaalada lagu soo daadguleeyey ciidamadii qaaska ee Faroole, PISta, iyo qeybaha militariga iyo booliiska Mudug oo hubkii wadamada cadowga fog lagu weerari jiray soo dhoobeen xaafada Garsoor. Ciidamada oo markaas heegan ahaa oo qariidada dagaalka u dagsanaa oo wiliba magaalada uu joogo wasiirka amniga si uu shaqsiyan dagaalka u hago baa marmarsiiyo dagaal ka dhigtay nin maskiin in ay qafaashaan. Markii ninkii sharci iyo asluub loo soo marin baa reerkii ninka ka dhashay iska caabiyeen ciidamadii xasuuqa damacsanaa. isla markiiba ciidamadii heeganka ahaa ayaga oo dad u digin dagaalna cilaamin bey hal mar dagaal gaadma iyo fuleynimo ah ku qaadeen xaafada Garsoor ayada oo shicibku dhex marayo, guryahoodana ku jiraan. In wax la yiraahdo ‘excessive power in a residential area’ loo isticmaalo xaafad deegaan iyo ganacsi ah ayada oo wiiftada iyo hoobiyayaasha aan lookala aabo yeelin xataa qaanuunka militariga oo caalamiga bey ceeb ka tahay iska daa nin shicibkii iyo dadkii uu matalayay maalin cad hubka iyo saanada intaa le’eg ku weeraraya. Waxeyna tusineysaa sida Faroole&PISta heshiiskii Garowe ee Puntland iyo Federaalka uu kalsooni iyo dhiiri galin uga heleen. Xasuuqii Galkacyo in uu horay u daganaa waxaa daliil u ah asaga oo gudoomiya kuxigeen Galkacyo ahna nin muda ku soo jiray maamulada Mudug mudane Daahir uu sheegay in dagaal beeleedka aan lala socodsiin maamulka heer degmo iyo mid gobol. Xataa Faroole&PISta  si un ay waxuun u xasuuqaan maalintii koowaad markii u ku margaday dagaalkii bey hadii odayaasha beesha ku yiraahdeen dagaalkii waa dhamaaday bey subaxdii danbe afarta jiho magaalada si gaadma ah ku soo weerareen. Subaxii hore  bey bililiqo iyo hanti burburin baahsan geysteen ayaga oo isticmaalaya PMyo, tangiyo, iyo takniko. Galinkii danbana isla kuwii islahaa dad soo laaya baa ayaga isbitaalkii qaadi waayay dhimashadoodii. 

Faroole&PISta  ma oga in uu ilaahay geerida iyo nolasha hayo maxaa yeelay hadii uu ogaan lahaa waqti iyo risqi kama raadiyeen dad masaakiin ah oo waxna aan galabsan in uu ilaa boosaaso ciidan iyo qalab uga soo aruursado. Kaarkaan uu la wareegayo oo ‘argagixisada’ waa sida credit card oo ‘maxed out’ ah oo lacagi ku jirin. Beeshii uu islahaa xasuuq maalin cadna ama xoog ku maquunini alla baajiyey oo waataa gurmadkii soo gaaray Garsoor oo wixii heshiis uu galay iyo hubkii ilaa Boosaaso libin ka keeni waayay. Maantay quwada  iyo kalsoonida Puntland ku leedahay deegaankaa waa ka sii liitaa waagii sida xaragata leh PISta dadka si bareer ah masaajida ugu leyn jirtay. Faroole waa kaa leh maantay Galmudugow dadkii aan xasuuqi laheyn baad naga hor istaagteen. Laakiinse Faroole wixii aan ka sugnaaba waa danbi, ileen horey baa ilaahay naxariis iyo garashadii uga qaaday. Intaas baana ciqaab iyo ceeb ugu filan.

                                       So Diyaariyey Ahmed Girdho .. [email protected]