Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mareykanka Oo Duqeymo Ka Geystay Fariisimo Al-Shabaab Ku Lahaayeen Degaano Ka Mida Jubada Hoose

Tuesday - September 6, 2011

Xigasho Somaliweyn: Sida uu qoray bogga Tv-ga afka dawlada Iran ku hadla ee Press Tv ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay duqeymo ka geysteen gobolo ku yaala koofurta Soomaaliya.

Tv-gu waxaa uu sheegay in 24, kii saac ee la soo dhaafay duqeymo diyayaaradaha duuliye la'aanta ah ee Maraykanku leeyihiin ku dileen gobolka Jubbadda hoose ku dhawaad 35 ruux oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab.

Warkaan uu tabiyay Talefishinka Iran waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi sidoo kale lagu bur buriyay dhawr tan oo hub ah kaasi oo ugu keydsanaa Al-Shabab goob, waxaana warku intaa ku Darayaa in dad deegaanka ku sugnaa ay xaqiijiyeen in tiro badan oo dagaalyahano ah ku dhaawacmeen weerarkaasi waxaana sidoo kale ay diyaaradaasi duqeyeen deegaan Lug Madaw la yiraahdo oo duleedka Kismaayo ku taala.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dhawrkii todobaad ee inaga tagtay ay deegaanadaasi dul marayeen diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanku leeyihiin.

 Maraykanka ayaa dhawr jeer duqeymo ka geystay m eelo ka mid ah Soomaaliya waxaana uu horey u sheegay inuu diyaaradaha duuliye la'aanta ku taageerayo ciidamo Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM.