Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War Saxaafadeed Ay Soo Saareen BeeshaTanade Ee Magaalada Toronto- Canada

Tuesday - September 6, 2011

Bisha markey aheyd September 4, 2011, waxaa lagu qabtay magaalada Toronto, shir ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan jaaliyadda beesha Tanade ee ku nool magaalada Toronto. Shirkaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay laguna falanqeeyay dagaalkii xasuuqa ahaa eey maamul-goboleedka Puntland ku soo qaadeen beesha Tanade ee dagan magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafadda Garsoor. Sidaas daraadeed beeshu waxay soo saartay qodobadaan hoos ku qoran

1) Waxaan canbaareyneynaa hooga, gumaadka iyo xasuuq aran-darada aan yareyn ee loogeystay shacabka reer Garsoor iyadoo aan loo aabo-yeelin caruur, dumar iyo waayeel intaba.

2) Waxaan cadeyneynaa In dhibaatada dhacday iyo wax kasta oo khasaaro ah ay kamasuul-yihiin hogaanka maamulka Puntland ee ugo horeeyo Faroole. 

3) Waxaa soo jeedineynaa in Faroole iyo kuwa gardarada ku garab siinaya in ee raali-galin buuxda ka bixiyaan falkas foosha-xun ee ay gaysteen. 

4) Waxaan isla markaa si gaara ugu baaqeyna xubnaha baarlamaanka Puntland iney si deg deg ah uga fariisadaan masuuliyada lagula kufay Faroole ee usan qaadi-karin, balse is-boorin, is-macneyn iyo faan darti camalkiisu ka si daraayo kuna xad gudbay mid dhaqan iyo sharci islaam intaba .

5) In si deg deg ah uu isu casilo madaxweyne Faroole, lana soo taago Maxkamada danbiyada aduunka ( ICC) isaga iyo wasiirkiisa Amniga Khaliif Mudan iyo Taliyaha Ciidamada Puntland Sicid dheere.