Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Raiisalwasaare David Cameroon Oo Yiri Waxaan Wadnaa Qorshe Lagu Bad-baadinaayo Haweeyney Afduuban

Tuesday - September 20, 2011

War U sheegay R/wasaaraha dawlada ingiriiska David Cameroon ayaa cadeeyey inay wadaan qorshe lagu soo furanaayo haweenay Ingiriisa oo gudaha Soomaaliya lagu haysto kadib markii laga soo afduubtay wadanka Kenya.

Warka oo laga soo xigtay xafiiska R/wasaaraha ayaa lagu sheegay inay socdaan qorshe lagu doonayo in lagu soo furto haweeneyda lagu magacabo Judith Tebbutt ee gacanta ugu jirta koox sheegatay inay burcad badeed yihiin kuwaasoo ku haysta meel ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Warkaan oo uu qoray wargeyska Sunday Mirror ayaa waxaa lagu sheegay in R/wasaar Cameroon uu kula dar daarmay hay’adaha qaabilsan dhanka amaanka inay muhiimad gaar ah leedahay in Judith Tebbutt oo bad qabta la bad baadiyo walaw aan warka lagu xusin in wada hadal lala galayo kooxda haysata haweeneydaan.

Sidoo kale warar ay qoreen wargeysyada dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa qoray warar sheegaya in ciidamo gaar ah oo ka tirsan hay’adda nabad sugida Ingiriiska MI6 ay gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasoo la sheegay inay kula kulmi doonaan qaar ka mid ah dadkii goob jooga ahaa xilligii haweeneydaan la afduubanayay isla markaana la dilayay seygeedii oo David lagu magacaabi jiray.

Koox hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay haweenaydaan soo afduubteen oo ay haatana ku haystaan deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka.

Xukuumadda Kenya ayaa xir xiratay tiro dad ah oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falkii haweeneydaas lagu qafaashay kuwaasoo qaarkood maxkamad la soo taagay.

By: Maxamuud Axmed Xasan