Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Meel Aar Ka kacay Atoor Far-fariisay .. Puntland Oo Qarka U Saaran Iney Burburto

Tuesday - September 20, 2011

Hadaan dib u milicsano siyaasadda Puntland oo ahayd mid dagan xiliyadii ay ka talinayeen Madaxweynayaashii Maxamed Muuse Xirsi (Cadde) iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf Axmed oo lagu xusuusto sida ay u hanteen maamulka iyo kalsoonida shucuubta Puntland oo Madaxweyne ahaan ka sokoow ay ahaayeen rag ka damqada dhibaatada iyo colaada ka dhex-dhacda Puntland.

Madaxweyna-yaashaasi hore waxa ay gaarsiiyeen heer wanaagsan oo lagu faani karay maamulka Puntland oo dhamaan beelaha ku mideysan ay kuwada qanacsanaayeen.

Waxaan orankarnaa ma ahayn Madax oo kaliye ee sida lagu yaqaanay gaar ahaan C/lahi Yusuf waxaa uu ahaa nin dadka aad u yaqaana lana tashado Odoyaasha iyo wax garadka Puntland waxaanan ku tilmaami karnaa inuu ahaa Nabadoon xilkas ahaa.

Laakin maanta Puntland waxay taagan tahay heer halis ah oo ku dhow fashil hadii aanan wax laga badalin siyaasada gudaha iyo tan dibadda ee Puntland.

Wariye ka tirsan Somali radio Online waxaa uu ku tilmaamay xaalada Puntland mid aanan wali horay u soo marrin, waxaa uu sheegay in dhowr bilood gudahood ay ciidamada Puntland galeen dhowr dagaal oo qaarkood aanan xal u ahayn midnimada iyo wada jirka Puntland.

Wariye Sahal Muuse waxaa uu leeyahay " maba moodeyn in Faroole uu sidaa u fududyahay, oo xitaa dad iyo qabaa’il dhan oo laf dhabar u ah maamulkiisa uu ku tilaami karo Argagixiso."

Waxaa uu horay ula dagaalamay beel ka mid ah beelaha dagan Barri oo uu awood iyo xoog ula tagay markii dambena uu odoyaashooda ku maslaxay in ay iska ilaawaan oo ay dowlada la shaqeeyaan.

Laakin waxaa uu dhibaato kala kulmay Mudug gaar ahaan beesha ka soo jeeda Garsoor Gaalkacyo oo aanan noqon siduu filayay oo xeelado taatik u dhigtay ciidamadi Puntland. Waxaana arrinta jabisay ciidamada Puntland qeyb ka ah markii dhamaan ciidamdii ka soojeeday beesha lagu duulay ay ka baxeen ciidanka oo dhinac ka istaageen.

Oday nabadoon ah oo dagan Gaalkacyo waxaa uu u sheegay Somali radio Online in uu ujeedin lahaa Puntland in wax laga badalo Siyaasadeena gaar ahaan kali talisnimada Madaxweyne Faroole oo uus heegay hadii sidan uu ku soo socdo in xaalku gaari-doonto meel xun laguna kala tagi doono Puntland.

Siyaasiyiin reer Puntland ah waxay qabaan in Madaxweyne Faroole waxyaabaha uu faraha kula jiro aysan ahayn taladii iyo dantii loo dhisay Puntland waxaana ay uga shakiyeen inuu yahay qof u adeegaya dano ka baxsan Puntland oo laga soo maleegay Muqdisho iyo meelo kale, waxaana ay ugu baaqeen aqoon yahanada iyo odoyaasha Puntland inay arrinta soo farageliyaan oo ay badbaadiyaan jiritaanka Puntland. Hadii kalena ay noqon-doonto in Puntland wada jirkeedu uu xumaado oo qolo walba ay gaar u tashato.