Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Socdaalka Xildhibaan Cali Ismaaciil Iyo Xasan Abshir

Wednesday - September 21, 2011

Gaalkacyo : Wafdigi ka socday baarlamaanka ku meel gaarka Somaaliya ee maal-mahaanba laga sugayey Galkacyo ayaa maanta halkaas soo gaaray iyagoo sida ay sheegeen ujeedada socdaalkoodu yahay iney shaqaaqada halkaas ka dhacday wax ka xasiliyaan, hasa ahaate dadka siyaasada u kurgala aya boqshadaas ku tilmaamay mid C/raxmaan faroole loogu gogol xaarayo sidi dhogor iyo waji cusub loogu sameyn-lahaa oo beentiisi iyo war-wareegiisi isa soo gabtay geedna waayey u istaago, isla markaana gedo-gedeyntiisi damaca hanqaltaagiisa u is-lahaa maanta xilka madaxtinimada Somaaliya adigeey ku dabrantahay,balse iminka yaqiinsaday inu lumiyey fursadi mala-awaalka ahayd inu noqdo madaxweyne Somaali.

Sida wararka la isla dhex mushaaxayo socdaalada xildhibaanada oo ay hogaaminayaan Cali Ismaaciil Iyo Xasan Abshir kuma ay imaan waqtigi ku haboonaa ee shicbkaas garsoor faroole xasuuqaye, walow la cadeeyey in Cali ismaaciil leedi waayey inti dagaalku socday xirir isgaarsiineed meel badan ka sameyey sidi dagaalkaas xaq darada loo joojin lahaa, hasa ahaate iminka socdaalkooda waxay u muuqata in nabad raadintooda wax u weheliyaan oo Faroole doonahayo in wajigi uga lumay shicibkii u banaanka soo waray kalsoonidiisi soo ceshado, waxaase dadka meelaha fadhiyada ka dooda ay leeyihiin ma jaanis baa u haray ee mar kale u ku khaldo shicibkaas reer gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland la