Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Kacdoon Dadweyne Oo Ka Dilaacay Meelaha Ay Ku Sugan-yihiin Al-Shabaab

Thursday - September 22, 2011

By Wariye Maxamed Axmed Xasan: Sida La ogyahay labadii bilood ee u dambeysay waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka shacab ee ka dillaacay goobaha ay ka taliyaan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobolada dalka qaarkood isla markaana degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe dhowaan ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, dagaalkaasi oo ay ku guuleysteen dadka degmadaasi.

Kacdoonka dadweyne ee ka dillaacay meelaha ay ku sugan yihiin ururka Al-Shabaab waxaa kale oo uu ka dhacay degmada Balcad degaanno ka tirsan, tuulada Miir Taqwo, degmooyin ka tirsan magaalada Jowhar iyo degaanno kale, iyadoo ciidamada Shabaabka lagu qaaday dagaallo fool ka fool ah iyo weeraro gaadmo ah loogu geystay qasaarooyin isugu dhimasho, dhaawacyo iyo hubkii ay siteen in farahooda laga maroojiyay.

Sheekh Muuse Macallim Axmed (Sheekh Muuse Cagaweyne) oo ka mid ah mashaa'iqda caanka ah ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inaysan gurmad iyo taakuleyn helin shacabka doonaya inay degaanadooda ka saaraan maamulada ururka Al-Shabaab kaddib markii ay u adkeysan waayeen gumeysiga iyo cunaqabateynta uu ku hayo in Dowladda KMG ah ay ka gaabisay sidii shacabkaas looga gacan siin lahaa himilada ay hiigsanayaan oo ay cadowga isaga dulqaadayaan.

"Dowladda KMG ah waxaan ugu baaqayaa inay garab siiso kacdoonka shacab ee degaanadooda uga saarayaan kooxda Shabaab" ayuu yiri Sheekh Muuse Macallim oo sheegay dhinaca kale in kooxahaasi tabartooda ku jabtay magaalada Muqdisho, taasi oo uu sheegay in mar kastaba dagaaladii ay shacabka gobolka Sh/dhexe la galeen looga guuleystay.

Waxa uu sheegay Sheekha in mar kasta oo maleeshiyadooda looga itaal roonaado dagaalka ay la galaan dadweynaha uu soo gaarayo gurmad, taasi oo u suuragelisa inay dib qabsadaan meeshii lagula dagaalamay, wuxuuna Sheekh Muuse Cagaweyne sheegay ku booriyay Dowladda KMG ah inay u gurmato shacabka u halgamaya sidii uu degaanadiisa uga saari lahaa maamulka Shabaab oo uu sheegay inay ku hayaan cadaadisyo dhinac walba leh.