Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Waa Cibaaro Taariikheed Oo U Baahan In Dadka Ku Suntan Kibirka Iyo Anaa iri Wax Ku Qaataan

Thursday - September 22, 2011

Waxaa Alle SW uu inooga waramay raggi Qooqay ee uu fircoon ka mid ahaa si aan uga beyrno wadadi xumeyd ay qaadeen fircoon iyo ragii la mid ahaa, isla markaana aynu u marno dariiqa toosan ay ambiyadi inoo jeexeen.

Qarni kasta waxaa dunida soo mara Rag tacdiyo geeystay oo aan waxba ku qaadan kuwi iyaga ka horeeyey ee sida xun u dhintay ama u jabay.

Waxaa mitaal ahaan u soo qaadaneynaa oo nagu filan sooyaalkii mid ka mida boqoradi daallimiinta ahaa ee soo maray gobolkaan bariga Afrika.

Aan is weydiino Boqor Hayle Salaase Sidu U Dhaqma-jiray iyo Halka U Ku Dambeeyey:

Boqor Hayle Salaase ee ka talin jiray carriga itoobiya, waxaa u si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadi Xabashida sanadkii 1928k "dabcan dhaxal meelna kama soo galin" intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah waxaa la oran jiray Tefaari Mokonnen, waxaa aabo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael oo u shaqeyn jiray boqorkii waagaa ee xabashida Menelik.

Menelik markii u qabsaday xarunti islaamka geeska afrika ee Harar sanadkii 1887kii waxaa u Raas Mokonnen oo Hayle Salaase Aabihis ahaa u magacaabay inu noqdo gudoomiyihi u horeeyey ee Amxaar ah ee xukuma Harar, halkaaso u tacdiyo badan ka geystay.

1930 ayuu Xayle Salaase isku caleemo saaray inu yahay Boqorka Itoobiya " Emperor" intaa waxaa u dheeraa oo u sheegan jiray .. Boqorkii Boqorada .. Kii la Doortay .. Kii Difaacayey iimaanka .. Libaaxa Guusha Yuhuuda .. Iftiinka Dunida Iyo Qaar kale oo badan. sheega-shadaasna waxaa aaminsanaa dadka Amxaarada oo gaaray heer ay u sujuudaan isla markaana ay magaciisa ku dhaartaan.

Boqortooyada itoobiya kaniisada ayey aad ugu xirneyd, waxayna isku ahaayeen ul iyo diirkeed, go'aamada uu qaadanaayo boqorkaas inta badan waxuu kala tashan jiray Kaniisada.

Dalka itoobiya si qayaxan buu ugu qornaa in dalku yahay Kiristaan .. maalmaha ciidaha kiristanka shaqada waa laga nasan-jiray halka tan islaamka la shaqeyn jiray.

Boqor Hayle Salaase Yaa Afgambiyey, Sideese U dhintay, Halkee Lagu Aasay:

Waa Halkaan Meesha Cibaaradu Ku Jirto .. Boqorkaan darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegan jiray, waxaa Alle qadaray in xukunkii u ka tuurtay mid kuwi uu u haystay adoonimada waa korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda Qoomiyada la yiraahdo Walaamo ee degta konfurta itoobiya.

Mangistu 16kii sanadood ee u xukunka haystay kumanyaal Amxaaro ee ahaa kuwi ladnaa ayuu degta dhiiga u daray qaar kale oo badnaa xabsiyada ayuu u taxaabay .. isagiina waa Mingiste  1991kii ayaa taladi dalka xoog lagala wareegay.

Waxaa La yaaba in Qolfoofkii lafihi Xayle Salaase ugu dambeysti wax la raadiyaba laga soo saaray musqushi ku dhex tiil xafiiska u fariisan jiray Mangistu Xayle Mariyam oo mudadi 16 sano u xukunka haystay ku dul kaadshahayey .. Ereyga Mangiistu micneheeda waxaa lagu fasiray "Najaaso amase Najis"

Arintaan Waa cilmi ilaahay wax nala ku tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato .. Nin-kasta ama koox kasta oo tacadi iyo isla-weyni ku dhaqanta waxaa u dambeyn ifka oo ay ku duloobaan iyo cadaab Aakhiro u dheertahay.

Tusaale kale waxaa nogu filan boqorkii dalka iiraan Shaah Rasa Bahlawi oo 40 sanadood dalkaas xukumi jiray oo taladi xoog looga tuuray, isagoo duleysan ayuu dalkisi ka cararay isagoo dibadaha ay u tiilay balaayiin doolar oo xitaa waayey dal soo dhaweeya iyo geed u fariisto .. sido kale tusmo waxaa kugu filan  waxa maanta haysta Xusni Mubaarak ee 30ka sano xukumay dalka Masar iyo halku ku dambeeyey .. Aawi Qadaafigi Liibiya, Markooskii Filipiin.

Akhristow astaamaha lagu noqdo adoon caadil wanaagsan dulmiga diida, xaqa u hiiliya waa kuwa habeenkii u soo jeeda cibaadada Rabi oo ka baqa naarta la isku aguugayo, waa kuwa hadalka san iyo hawlaha san ku suntan, waa kuwa maal aduun ka waasha .. waa kuwa sida degan ee tookha iyo turxaanba ka maran arlada ilaahay u luuda, waa kuwa ku fakaraaya waxa umada u dan ah .. waa kuwa .. waa kuwa, sidaa iyo si la mid ah baan rabnaa ee allow na waafaji .. Axadow Magantaa