Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Dawlada KMG Oo Ka Hadashay Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka Ee Jubooyinka

Saturday - September 24, 2011

Xigasho SomaliRadio.net: Dowlada KMG ayaa waxaa ay faah faahin dheeraad ah kabixsay Duqeyn ay dhawaanahan Diyaaradaha Mareykanka ku hayaan deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Jubooyinka.

Diyaaradaha Dagaal ee Dalka Mareykanka ayaa duqeyn xoogan ku haya AL-Shabaab-ka gacanta ku hayaa Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo iyo deegaanada kale ee Afmadow.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Dowlada Gobolada Jubooyinka oo la hadlayay Qaar kamid ah Saxaafada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka warhayaan Duqeynta Al-Shabaab lagu hayo.

G/Dhexe Maxamed Faarax Diiriye ayaa sheegay in Duqeynta Diyaaradaha Mareykanka ee Jubooyinka ay ka mid yihiin Howlgalada lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanadaas.

“Duqeynta Diyaaradaha waa qeyb ka mid ah Howlgalada aan ku doonayno in aan Al-Shabaab kaga cirib tiro Gobolada Jubooyinka” ayuu yiri Sarkaalkan oo hadalkiisa raaciyay in Duqeymahaas ay ku fashiliyeen abaabulo xoogan oo ay wadeen Ciidamada AL-Shabaab ee Jubooyinka.

Sarkaalja ayaa sidoo kale Tilmaamay in Diyaaradaha Dagaal ee duqeynaya Al-Shabaab qaarkood laga leeyahay Wadamada IGAD oo kaqeyb ah howlaha lagu raadinayo nabada Soomaaliya.

Hadalkan kasoo baxay Saraakiisha Dowlada ee Jubooyinka ayaa imaaanaya xili duqeyn xoogan maalmahan ay Diyaaradaha Dagaal ee Duuliye la’aanta ah ay kuhayeen xarumaha AL-Shabaab ee Jubooyinka.

SomaliRadio.net