Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qaar Ka Mida Hogaanka Beesha Leelkase Ee Ku Sugan Nairobi Oo La Kulmay Safiirka US U Fadhiya Kenya

Saturday - September 24, 2011

Rag Ka mida Leadarship-ka Council amase golaha haogaanka dhaqanka tolka ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sida la xaqiijiyey madal casumaad si haybad ku dheehantahay loo soo agaasimay kula kulmay danjiraha Mareykank Mr. Scot Gration ee dalka Kenya u fadhiya, kulankaas oo sida la sheegay ku bilaabmay salaan, barasho, so dhaweyn iyo mahadnaq wac laysaga-siiyey, iyadoo markii dambana ergadi beesha ay halkaas bilawgi ku hurgufeen hadalo  warbixino kala duwan oo ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan meelaha hadda ay ku habsatay mushkilada iyo shidada aan caadiga ahayn oo siiba ka oogan arlada Puntland.

Sida la sheegay hogaanka leadaradaas oo badan-kooda lagu tilmaamo shakhsiyaad waqtigoodi ku dhameystay dano guud ayaa hadba hadalka baabkii furma si xilkasnimo oo misaaman uga jawaabayey, waxay aad ugu dheeraadeen sidi dalka iyo qarankii Somaali looga bad-baadin lahaa maryo dhiig leh oo maalin-kasta suuqa daadsan, Qaxa aan is dhimeyn, iyo kala yaac maalin walba joogta ah oo hadana arkimeysid ayey yiraahdeen qof qura oo ku leh qalad baan sameeyey.

Gabagabo, waxay intaa hadalkii falaaqeyntoodi si raaciyeen oo yiraahdeen: " Mr. Danjiroow, ma fileyno wax iney kaaga daahsoon-yihiin duruufaha iyo xaalada ka taagan umadda Somaali, oo la oran-karo waxay in badan dadku u bateen kuwa aan is ogeyn iyagu isu rooneyn, waayaha dhacay wax lagu qaadan-waayey, iyagoo si gaara carabka ugu dhuftay abaaraha biyaha iyo caws la'aanta dalka ku habsaday, sidaa daraadeed ayey ka codsadeen danjiraha in masuullinta Mareykanka ay xaalada somaaliya indhaha la si raacaan oo masiibooyinkaas dalka ku habsaday wax ka qabtaan, iyagoo ka codsaday iney umadda ka dhiciyaan kuwa ku hamuumaya xeeladaha naxaris-darada ee shicibka ku kala qaybinaaya.

Danjiraha oo isagu hadalkii madasha soo gabagabeeyey dhoola cadeynaya ayuu gunaanadkii hadalkiisi ku soo gaabiyey mahad naq uu u jeediyey ergadaas iyo sida hufan oo karaamada leh ay u soo gudbiyeen fikrado iyo warbixino wax ku ool ah, waxaana reyn-reyn oo aan aad ugu bogay ayuu yiri inaan maanta arko rag aan been daadihineyn hortayada caano noogu barxin, dareenkooda wadaninimo aad u sareeyo oo dantooda gaara ka si hormariyey danta guud .. ugu dambeyn waxuu yiri waxaad muujiseen dadaal iyo daacad inaad u tihiin dalkiina, sidaa aad sheegteen wax walba dawlada mareykanka wey la socotaa, wax idin ogeyna oo badan ayaan idin ka ognahay, sidaa daraadeed Dear waad mahadsantihiin wixii karaankayga ah waan ku dadaaleynaa iyo sidi umada Soomali mustaqbal-keeda dib ugu hana-qaadi lahayd .. waxaa labada dhinac ay isku afgarteen in xiriirkoodu joogto ahaado oo la is maqlo.