Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

Faroole Iyo Khalif Ciise Oo Dagaal Iclaamiyey

Sunday - September 25, 2011

Gaalkacyo: Waxaa gordhweyd laga sugaayey shirkii rug-cadaaga nabad-raadinta qam-qaamadisu ka socotay gaalkacyo oo ahayd iney maanta soo saaraan go'aamo loogu sal dhigaayo nabada iyo deganaashada arlada Mudug, ayaa sida soo yeertay waxaa heshiiskii go'aamada si bareer ah u diiday khalif Ciise Mudan oo ah wasiirka amniga Puntland isagoo sheegay inu tiisa ku socon-doono oo dagaalka halkiisi ka sii wadi-doono.

Odayaasha iyo ergooyinka Daarood ayaa hadalada ka soo yeeray khalif Ciise si aada uga damqaday waxayna digniin iyo canaan culus dusha uga tuureen maamulka faroole ee hor iyo dabo-toona kala lahayn, waxaana ka masuul ah ayey yiraahdeen wixii qalalaaso halkaas ka dhaca faroole iyo wasiirkiisa amniga, hasa ahaate ergada qaar ka mida ayaa isu xuurteynaya sidi xaalada loo dajin-lahaa loona ogoleysin-lahaa heshiiska la gaaray.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in maleeshiyadi SNDU/Puntland oo beryahaanba ka shakisaneyd  gurguurashada gaatin socodka weerar-doonka ah iyo rafashada jar-dagida Faroole ay meelo badan SNDU-da ka gashay digtoonoow iyo heegankii kowaad oo isu diyaarsheen qaab dagaal iyagoo tababaro dhawr nooca horay u galay.. wixii so kordha nala socda