Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

General ilka Jiir Oo Is Casilaya iyo Kulamo Wada Tashi Ah Oo Garoowe Ka Socda

Monday - September 26, 2011

Garoowe:- Xigasho Galgala News- Sida ay ilo wareed ku heshay Galgalanews waxa Khilaaf xoogani ka dhex Aloosanyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha PL General Cabdullaahi Axmed Jaamac ilka Jiir iyo Madaxwaynaha Maamulkaasi C/raxmaan Faroole, Qof Garoowe nagala soo xidhiidhay oo diiday inaan Magaciisa xigano baa Sheegaya in Laba casho ka Hor Wasaaradii Arrimaha Gudaha PL  Lagu amray in  ay Hoos tagto Madaxwayne ku Xigeenka PL Gen Cabdisamad.

ilo wareedkaasi aanu helay waxay kaloo shaacinayaan in Wasiirka Arrimaha Gudaha PL Aanu dhowr casho iman Xafiiska Wasaarada isla markaana Saraakiisha ka Hoosaysaa ay Shaqada sii wadeen.

Khilaafka ayaa Sii Hulcay bay Leeyihiin dadk aad ugu dhuundaloolaa markii Maalintii Shalay si Qaawan loo Musuq Maasuqay Deeqdii Waxbarasho ee La siiyay Puntland taasi oo Gobolo Badan oo Reer Puntland ahi iska dhex arki waayeen  Riix

Generalka ayaa Kulamo wada tashi ah la Yeeshay Odayaasha Reer Maakhir Qaarkood kuwa ku sugan Garoowe mana Jiraan wax Faah Faahin ah oo Kulamadooda laga Helayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa culays xoogani kaga imanayaan dhanka Qurba Joogta iyo Duubabka Gobolka Sanaag Kuwaasi oo Codsanaya in uu Is Casilo Marka loo eego Masiibada Qaran ee ka taagan Meesha.

Gen ilka Jiir ayaa ahaa Musharax Doorashadii PL Sanadkii 2009- waxana uu ahaa Ninkii wareegii labaad la soo Gaadhay Madaxwaynaha haatan talada haya ee Faroole, in kastoo markii danbe loo Magcaabay Wasiir ka mid ah Golaha xukuumada PL.