Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qurba Joog Leelkase Maxuu Ka Yirii Qodobadi Ay La Yimaadeen Abu-Kaatayaashi Faroole

Monday - September 26, 2011

Waxaa tan iyo shalay meelo badan oo caalmka ay ku nool-yihiin beelaha iyagu ku isman xisbiga SNDU/Puntland si public ah looga hadal hayaa go'aamadi qodobada qab-yada ahaa ee cirka ku shareernaa oo ay soo saareen Cimaamadihi Harti/majeerteen ee ku shiray Gaalkacyo, taaso reer SNDU ay ku tilmaameen wax aan sinba la garaneyn si loo qaadan-karo iyo sida la isu marsiin-karo oo maqalka iyo qalbiga intaba ku qanacsaneyn, waxay yiraahdeen; waxaa la yiri haddi aad la kulanto wax hore u dhici jiray waxoodi baa lagu akhriya, laakiinse wixii aan ku soo marin ee aan la maqlin ee waliba cusub waxaa laga akhrista walaa-xawla, waxay sheegeen iney ka walaa-xaw-leysteen qodobada la sheegay yaq-yaqsiga ah ee iska indha tiray waxa hor yaala iyo wixi dhacay iyo xaaladihi isla sara tagay, isla markaana waxay carbaabeen in wixii ay arintaa reer ahaan ka dhihi-lahaayeen guddi gaara u saareen oo ka soo tala bixiya. 

Laakiin sida Shabakadaan Galdogob Times ay guud ahaan ka xigatay Reer SNDU/Puntland waxay aragtidooda ku sheegeen in go'aamadaas lagu murkacaday ee shaqalka reerka loogu taagay aysan bulsho ahaan kadis ku noqon, waayo ayey yiraahdeen sida la ogyahay reerka SSDF/Puntland waligeedba waanu ku naqaana marka qof lagu hayo danbi in ay soo saftaan oo wax aan jirin sheeg sheegaan iyadoo hiilis qarsoon lagu marmarsoodo oo dabadeed haddana wax bilaa qiila aan shaqeyneyn ku afgubaadsadaan .. waxaa la yiri Bacado Wan ay qalato-na wey rabta hab-keedina ma hayso.

Reerka Majeerteen waa run waa leeyihiin culimo iyo rag wanaagsan, laakiin sidoodaba inta badan ma aha dad is qabta, oo sidii mukulaasha ayey wixii calaf ( Kursiga) soo dhex mara, marka hore isku qab-qabsadaan, dabadeed kii dafa ayaa la yiraahda waa bes iyo xalaal caleyk oo dabadeed qaladka ka yimaada maamulkiisa iyo wax kasto u falo ma saxan, hasa-ahaate reerka Cumar Maxamuud oo dhaqan iyo xigto aan meelkasta isaga xiranahay iyaga ayaa ahaa reerka qura intooda badan lagu xanto iney waxgarad-kooda leeyihiin dadnimo xishoota iyo damiir ka sareeya inta kale oo xita haddi ay qalad galaan dib ka yiraahda war waa ceeboonay .. waxay odayaashoodi hore  aamisanaayeen in la wada noolaan-karo xitaa iyadoon la is jecleyn oo la kala aragti yahay, halka kuwa maanta jira ay door bidayaan in lagu kala haro saaxada dagaalka, arintu si kastaba ha ahaate maanta waxaa nasiib daro ah ayey yiraahdeen wixii dhawrka wax-yaalood ee reerka Cumar Maxamuud intooda badan lagu yiqiinay iyo buurti odayaasha ay ku tiirsanaayeen ay meesha ka maqantahay sida Aftahanimadi, Hogaaminti,  Deeqsinimadi, Caqli Salimkii iyo Aqoonti oo intaba maanta si looga helo ay yartahay, taasoo gabi-ahaanba hadaan nahay reer Mudug ay saameyn ku yeelan-doonto aayatiinka mustaqbalka gobolka, waxaan halis u nahay kuwaas foolasha maqan dartood waa jiriga cumaamada qaataye in ummaddo kale gobolka dhaxlaan , waxaa muuqata oo laba sheegaya in reerkii Cumar Maxamuud ayba u taliyaan kuwa jirri-nimo mudo ku soo caano maalay oo isbaaro u taalo airaboorka iyo meelaha laga soo galo Gaalkacyo iyo gaar ahaan dakhliga canshuuraha oo iyagu sey rabaan ka yeela, waxaana la xaqiijiyey kooxdaas oo khasnada aan waxba ku shubin iney shakhsiyaad reerka u sareeya masruufaan maalin qaylna bixiyaan oo gar iyo gardaraba lagu taageero barnaamijyada ay wataan kooxdaas jirriga ah, waana mida keentay in fadhigi nabadeynta gaalkacyo lagu badalay barnaamij siyaasadeysan oo lagu badbaadinaayo Faroolo iyo jirrigaas Gaalkacyo afduubatay kuna saleysan aragtida cawaantinimo

Waa iska cadeyd ayey yiraahdeen markii faroole qaladaadkiisi caalamka sida qoraxda u cadaatay oo meel-kasta laga sheeg sheegay in ay ruxmatay cumaamadi qoyska oo wajigoodi kolba sida jirji-roolaha halka u joogo isu ekeysiiya oo qariya wajigi runta ahaa, halkaaso ragi cumaamadaha/Abu-kaatiyaashi faroole majliska fadhiyey iyagoo gadan ciiro isku qarinaaya difaaciisa goobta ku meereysteen wax runta ka fog, waxay hadalkoodi intaa si raaciyeen oo yiraahdeen Nin-kasta sidu doona-ba ha u hadlo, waxuu doono ha difaaco, waxayse runtu tahay yaan lagu meereysan sheeko caqliga iyo diinta aysan qaadan-karin .. oo hadiiba sheekadu halkaas mareyso waan qaadaneynaa  inaan anagu qaladka lahayn markaan qortayada dhex geynay Cifriid iyo Calow miiran, waxaase hubaal ah ayey yiraahdeen in go'aanadaas aysaba kheyr u ahayd bulshada SNDU oo meel ay joogtaba maanta miyi iyo magaalaba ay ka mideysan-yihiin xag kasta oo far qura ka dhigtay .. kuwa wax marin-habaabiyey waxay iloosan-yihiin in aduunyadu wax badan iska badaleen oo reerka usan joogin xiliyadi dibu dhaca lagu baacsan-jiray tiro yari, aqoon-daro iyo dhaqaalle la'aan .. xaajadaha qaarkood maanta lama marsiin-karo ee yaan la qaldamin .. ninkii naga maarmi-karana uma muraad-lihin sidaasna iyo qortaan kaa goyn ogoow ku cabid-sami-meyno .. Sidaas ayey hadalkoodi ku soo koobeen.